Posts

Midhaha Akhriska Qaybtii Labaad

Image
Midhaha Akhriska Qaybtii 2Aad Qormadeenii Hore waxaynu kusoo qaadanay Shan Qodob Oo kamida Midhaha Akhriska laga dhaxlo Qormadeenan maantana waxaynu kusoo qaadan doonaa Shan Qodob Oo kale Oo kamida Midhaha Akhriska laga dhaxlo, Akhris Wacan. 6. Waa hadal iyo qorid- yaqaan  Khudbeeyayaasha dunida ugu caansani waxa ay ahaayeen dad akhrisku saameeyay, oo noloshooda uu ka muuqdo. Qofka qoraaga ah ee guulaysta,ama khudbeeyaha ah ee guulaystaa, waa qofba qofka uu akhriskiisu ka sarreeyo.  Bal Abraham Lincoln eeg, bal Nelson Madela eeg. Dadkaasi, iyo kuwo kalaba, waxa ay noqdeen dad wax badan og.Qofku haddii uu wax badan ogyahayna, wax badan ayuu sheegi karaa. Caqliyadii dunida soo maray ee iyaga ka horreeyay ayaya akhristayaashawanwanaagsanika faa'idaystaan,markaas ayaa ay saameeyaan xirfaddoodii qoraal iyo toodii hadalba, Haddii berigii baadiyaha, ninba ninka uu ka maahmaah iyo gabay-xifdin badan yahay, uu aftahan ka ahaa, maanta waxa hubaal ah in ninba ninka uuka taariik...

MIDHAHA AKHRISKA LAGA GURTO

Image
MIDHAHA AKHRISKA LAGA GURTO Dad badan ayaa laga yaabaa in ayiswayddiiyaan, haddii aannu akhriskii micnihiisa fahamnay, oo mudnaanta uu noo yeelanayana garannay, maxay yihiin jaadadka midho ee laga guran karaa? Hadda waxa aynu u gudbaynaa in aynu iswarsanno, maxaa laga helaaa akhriska Ha ku khaldin mudnaanta akhriska Iminka ka hadli mayno muhiimadda uu kuu leeyahay, ee waxa aynu ka hadlaynaa natiijada ka dhalata marka aad akhriska la saaxiibtid Natiijadan waxa hela akhristaha wanaagsan. Hoos ayaynu u dhaadhacaynaa'. Akhriska iyo Qulubka Qulubku (stress) si fudud, waa falcelin uu qofku ka bixiyo carin (stimulus) ku timi oo khalkhal gelisay dheelitirankii jidheed iyo kii maskaxeed ee qofkaba, Qulubka habab badan oo lagula tacaalo ayaa jira.Nasasho iyo shaah aad cabtid, ayaa inta badan caan ah. Balse, weli ma ka fekertay waxtarka aan yarayn ee akhrisku ka geysto qulub-yaraynta?! Deraasad ay 2009 soo saartay jaamacadda Sussex ayaa lagu sheegay in lix daqiiqo oo keli ah haddii qofka qulu...

Sababta Akhrisku Muhiim U Yahay

Image
Sababta Akhrisku Muhiim U Yahay Qof kastaa wuu og-yahay in akhrisku muhiim yahay, laakiin weligaa miyaad is-weydiisay sababta taasi keentey? Qoraalkan, waxaan ku soo qaadan doonaa 7 sababood oo akhrisku muhiim u yahay. Waxaan rajeynayaa inaad runtii ogaan karto sababta uu akhrisku muhiim kuugu yahay adiga, sidaa darteed waxaad heli kartaa rabitaan cusub oo ah inaad sahamiso adduunka akhriska. 1. BARASHADA WAX BADAN OO CUSUB Akhriska waxay naftaadu ka kororsaneysa wax-yaabo cusub, macluumaad cusub,Waxa kale oo aad ku baranaysa qaabab cusub oo lagu xaliyo dhibaato iyo wadooyin cusub oo lagu gaadho wax badan. Waxaad xaqiiqdii sahmin kartaa hal shay oo aad runtii jeceshahay waxayna ku dambayn kartaa inay noqoto xirfad iyo guul mustaqbalka. Sahamintu waxay ka bilaabantaa akhriska iyo fahamka.  2. IS-HORUMARIN   Akhrisku wuxuu kaa caawinayaa inaad qaab fiican wax u sameysato,Markaad wax Akhridid, waxaad bilaabeysaa inaad dunida si fiican u fahamto. Akhriste wanagsan inaad noqoto w...

WAAYO ARAGNIMO UU DANJIRE MARAYKAN KA HELAY SOOMAALIYA

Image
GUUDMARKA BUUGA SAFIIRKA. XOG KU SAABSAN QORAHA. Buugan waxaa qoray diblomaasi Peter Brigdes. Peter waa diblomaasi hore oo hawlgab ah, hadda macallin jaamacadeed. Waxa uu soddon sanno ku soo jirey diblomaasiyadda, weliba wakhtiyadii xidhiidhka caalamiga ah iyo siyaasaddu ugu xiisaha badnaayeen wuxuuna soo noqday safiirkii maraykanka u fadhiyey soomaaliya sannadihii 1984kii ilaa 1986kii, XOG KU SAABSAN TURJUMAHA. Buuggan waxa turjumay Kamaal Axmed Cali oo ah saxafi ruugcaddaa ah oo deggan Magaalada Hargeysa. Turjumaanku waxa uu shahaadada koowaad iyo ta  labaad ka sitaa cilmiga barashada Horumarka (Development studies). Waxa uu hore u soo saaray laba buug; mid turjuman iyo mid uu qoray, oo kala ah: Aamina Almufti iyo Afgembigii dhicisoobay _ Qisada Shirqoolkii Turkiga ka dhacay. Waxa uu 15-kii sanno ee ugu dambeeyay ka tirsanaa Warbaahinta isaga oo guddoomiye ka noqday wargeyska caanka ah ee Geeska Afrika oo kasoo baxa Magaalada Hargeisa Imika waxa uu maareeye iyo tafaftire guud ...

BARO BUUGA JIRIDA BAAMBUU

Image
BARO BUUGA JIRIDA BAAMBUU Magaca Buuga Jirida   Baambu   Magaca Qoraha: Sacuud Sancuusi Magaca Turjumaha: Maxamed Xirsi Tirada Bogaga: 536 Guud-mar   Waxan iskii barayaa, waxna idinka iftiimin doona buugan la magac baxay, "jirida baambuu". Dhiganahani Waxa Uu ka waramaya sheeko  soo baxdey 2012 oo uu curiyey sheeko-yahankii reer kuweyt, sacuud sancuusi. Waana turjumaad macneed laga af-celiyey Buuga la idhaa "saaq al baabuu"  Waxay sheekadu, dabaabaceedii in yar kadib, ku guuleysatay abaalmarinimo ay ka mid yihiin abaal-marinta dhiiri-galinta ah ee dawlada, abaalmarinta caalimiga ah ee sheekada carbeed,waxa kale oo sanadkii 2016 sheekadan laga matalay film taxane ah oo xanbaarsan isla magaca sheekadan. Gudo-gal. Sheekadu waxay dhacdo ahaan u dhaxaysa dalalka filibiin iyo Kuwait, waxanay si qoto-dheer u soo faageysaa arimaha la xidhiidha mashaqooyinka ama dhibta haybta,faquuqa iyo guud ahaan  nafsadaha bulsho iyo qof, oo leh isa saameyn iyo isa seeg badan. W...

BARO BUUGA FURAHA GANACSIGA

Image
GUUD,MARKA BUUGGA FURAHA GANACSIGA.   Buugga:furaha ganacsiga Daabacaadii koobaad Magaca Qoraaga: siciid Cali Shire WQ, ZaaHir Cawaale Cabdi, HORDHAC KU SAABSAN QORAAGA  Qoraa siciid Cali Shire waa qoraa kamida Qoraayada Soomaaliyeed kuwooda ugu sareeya ,waxa uu qoray qoraagu inta ogaalkaygaa afar buug ay kamid yihiin, 1:Buugga hogaamiye  2:Buugga bangiyada islaamka 3: Buugan furaha ganacsiga. iyo buuga 4: xigtaysiga xikmadaha Waa macalin wax kasoo dhigay jaamacadaha wadanka ingriiska ,gaar ahaan cilmiga dhaqaalaha siyaasada kama madhna waxa uu mar soo noqday xildhibaan,xaga Suugaanta lafteeda kama madhna, waa qoraa aqoomo fara badan leh ood runtii ka dareemayso  dhiganayaashiisa. XOG,KU SAABSAN BUUGGA Buuggan furaha ganacsiga wuxuu soo baxay horaantii (2008), waxa uu buugu si cilmiya oo qoto dheer uga hadlayaa bilaabista ,kobcinta iyo badbaadinta ganacsiga. waa Buug aad ay u isticmaalaan shirikaadka soo kobcaya ee Soomaalida iyo kuwa waa weyn intaba,waana indho,fur...

BUUGA HAL BEEG

Image
GORFAYNTA BUUGGA HAL BEEG Magaca Buugga: Hal,Beeg Tirada bogagga:230. Tarminta: kowaad Magaca qoraha: Abdiqani Xuseen Beder Hor -dhac Taarikhda dheer ee adanahu waxa ay la soo bilaabantay loolan ka dhex abuurmey Nebi Aadan iyo ibliis. Legdankaasi wajiyo badan oo af iyo adinba leh ayuu ka soo gudbey, herer kala gadisanna wuu soo maray. Buugani waxa uu qayaxayaa halbeeg ay tahay in lugu cabbiro hirdanka fikradaha, isla markaana waxa uu daaha ka faydayaa duulaan maskaxeedka Muslimiinta ku wajahan,Taarikh ahaan,cidda hagaysa,agabka la adeegsanaayo,isla markaana waxa uu soo bandhigaya  qaabka loo caabin karo. Bugaani waxa uu ka dhashay cilmi baadhis jawaab u raadineysa sababta hirdanka fikriga ahi ugu dhex aloosan yahay bulshada Soomaliyed wakhtigan, isla markaana raadeynta ugu yeeshey in badan oo ka mid ah. Su'aashaas oo ahayd " Waa maxay mushkiladan ka dhex allosan muslimiinta ." Buugani waxa uu soo bandhigaya natijada jawaabtaas oo faahfaahsan, taas oo muujin...