Sababta Akhrisku Muhiim U Yahay












Sababta Akhrisku Muhiim U Yahay


Qof kastaa wuu og-yahay in akhrisku muhiim yahay, laakiin weligaa miyaad is-weydiisay sababta taasi keentey? Qoraalkan, waxaan ku soo qaadan doonaa 7 sababood oo akhrisku muhiim u yahay. Waxaan rajeynayaa inaad runtii ogaan karto sababta uu akhrisku muhiim kuugu yahay adiga, sidaa darteed waxaad heli kartaa rabitaan cusub oo ah inaad sahamiso adduunka akhriska.


1. BARASHADA WAX BADAN OO CUSUB


Akhriska waxay naftaadu ka kororsaneysa wax-yaabo cusub, macluumaad cusub,Waxa kale oo aad ku baranaysa qaabab cusub oo lagu xaliyo dhibaato iyo wadooyin cusub oo lagu gaadho wax badan. Waxaad xaqiiqdii sahmin kartaa hal shay oo aad runtii jeceshahay waxayna ku dambayn kartaa inay noqoto xirfad iyo guul mustaqbalka. Sahamintu waxay ka bilaabantaa akhriska iyo fahamka. 


2. IS-HORUMARIN 


Akhrisku wuxuu kaa caawinayaa inaad qaab fiican wax u sameysato,Markaad wax Akhridid, waxaad bilaabeysaa inaad dunida si fiican u fahamto. Akhriste wanagsan inaad noqoto waxay ku sahleysaa inaad faham weyn ka hesho mowduuc aad xiiseyneyso; tusaale ahaan: sida loo dhiso kalsoonida nafta, sida qorshe fiican loo dhigo ka hor ficilka, sida wax loo xafido iyo si ka sii fiican. Dhammaan kuwan is-hagaajinta ahi waxay ka bilowdaan akhriska. akhriska, waxaad ku abuureysaa waddo habeysan oo ku wajahan faham wanaagsan iyo ficillo haboon oo aad ku dhaqaaqdo mustaqbalka.


3. FAHANKAGA OO KU KORA


Inta badan ee aad wax akhrido, wax badan ayuu tarmayaa fahamkaagu. Akhriskaaga oo biiraa Waxay ballaadhinaysaa adduun aragaaga, Markaad ka hadasho dunida dhabta ah, akhrinta mala’awaalka iyo sheekooyinka labadaba waxay beddeli kartaa aragtidaada. Sidee? Buugaagtu waa sida daaqadaha oo kale, mid kastana waxaad ka dhax arkeysaa dhacdooyiin, talooyiin iyo dad waaya-aragoodu badan yahay, taasina waxay baladhinaysaa fahamkaaga..


4. KHIBRAD AAD KA HESHO DADKAK

KALE


Markaad wax akhrinaysid, waxaad dhab ahaan ka helaysaa aqoon iyo khibrad dad kale(qoraayada). Taasi waxay soo dadajin kartaa guushaada dhanka himilada, maadaama aadan u baahnayn inaad ku celceliso isla qaladkii, adoo xoogga saaraya wadada saxda ah ee lagu gaadho libinta.


5. DHIMISTA ISKU-BUUQA

 

Si kasta oo culeys u leedahay shaqadaadu, xidhiidhkaaga shaqsiyeed, ama arrimo kale oo aan la soo koobi karin oo aad kala kulanto nolol maalmeedka, dhammaantood way iska siib-mayaan markaad naftaada ku weydo sheeko weyn oo shaamareer ah. Curis si wanaagsan loo qoray ayaa kugu wareejin kara deegaanno kale, halka maqaal soo jiidasho leh uu kaa mashquulin doono oo uu ku hayn doono xilligan xaadirka ah, oo xiisada taagana ku ilow siin doona, kuu oggolaanaya inaad nasato.

 


6. HAGAAJINTA XASUUSTA


Cilmi baadhis ayaa muujisay in wax akhrinta, xitaa haddii ay wax yar uun tahay maalin kasta, ay kaa caawin karto hagaajinta xusuustaada. Tani waa sababta oo ah akhrisku wuxuu kiciyaa qaybta maskaxda ee mas'uulka ka ah feejignaanta iyo xusuusta. Markaad akhrinaysid qoraalka, waxaad u baahan tahay inaad xusuusato wixii horay u dhacay si aad u la socoto qisada ama maw-duucyada uu qoraagu ka hadlayo. Xitaa laga yaabee inaadan ka war-qabin in maskaxdaadu wax xasuusato, laakiin maskaxdaadu waxay ku jirta jimicsi waanay fidisaa.


7. KA FOOGASHAHA MAC'SIDA


Wakhti kasta oo aad wax akhrisanayso waxaad ka dheeraynaysaa samaynta kuwan; xanta,xumaanta,dagaalka, filamada, haddalka bila'macnaha ah, iwm. Ka tagiska kuwan dhamaantood'na waa bilowga nolol dagan oo qurux badan.


Akhrisku waa Wehelka horumarka hadaf yeelashada himilo fogaanta hal_abuurka hanuuninta hobaan gurashada iyo hawaalo waranka.


Haddii aad ka mid tahay dadka tirada lahayn ee aan caado ka dhiganin wax akhriska joogtada ah, waxaad lumisay wax man-fac aduun iyo mid Aakhiro ku lahaa, Hadda bilow sahminta caalamka Akhriska.

Comments

Popular posts from this blog

BARRO BUUGGA HAWAALE WARAN

BUUGA HAL BEEG

BUUG AKHRISKA XOG'BUURAN KAA SIINAYA, KUNA JECLAYSIINAYA.