BARO BUUGA JIRIDA BAAMBUU



BARO BUUGA JIRIDA BAAMBUU















Magaca Buuga Jirida Baambu 

Magaca Qoraha: Sacuud Sancuusi
Magaca Turjumaha: Maxamed Xirsi
Tirada Bogaga: 536


Guud-mar 



Waxan iskii barayaa, waxna idinka iftiimin doona buugan la magac baxay, "jirida baambuu".

Dhiganahani Waxa Uu ka waramaya sheeko  soo baxdey 2012 oo uu curiyey sheeko-yahankii reer kuweyt, sacuud sancuusi. Waana turjumaad macneed laga af-celiyey Buuga la idhaa "saaq al baabuu" 


Waxay sheekadu, dabaabaceedii in yar kadib, ku guuleysatay abaalmarinimo ay ka mid yihiin abaal-marinta dhiiri-galinta ah ee dawlada, abaalmarinta caalimiga ah ee sheekada carbeed,waxa kale oo sanadkii 2016 sheekadan laga matalay film taxane ah oo xanbaarsan isla magaca sheekadan.


Gudo-gal.


Sheekadu waxay dhacdo ahaan u dhaxaysa dalalka filibiin iyo Kuwait, waxanay si qoto-dheer u soo faageysaa arimaha la xidhiidha mashaqooyinka ama dhibta haybta,faquuqa iyo guud ahaan  nafsadaha bulsho iyo qof, oo leh isa saameyn iyo isa seeg badan.


Waxa ay sheekadu qaab qurxoon oo fikir nafsadeed leh u soo bandhigeysaa qadiyada jiraalka, dhaqanka iyo caadooyinka, aaminada iyo diinta,degalka iyo barbaarka ee qofka iyo dhibaatooyinka ay ku leedahay kala duwaanaanta arimahaa ka dhalan karaa.


Sheekadu waxa ay si aan toos ahayn u daweynaysaa cudurada hayb-sooca iyo eed bulsheedda isirka ku dhisin ee ay dad badani u dhiban yihiin, Bulshooyin badan oo ay soomalidu ka mid tahayna ku ibtileysanyihiin.


Gunaanad.


Sheekada hooseeyh minduusa ama ciise daaruuf, hadba midii la raaciyo haybaha ku loollamaya, waxa ay wax badan innaga baraysaa dhaqankeenna bulsho waxaanay innagu baraarujineysaa sida uu qofku u noqon karo mid bixiya dayn dul-saar badan oo uu ku galay oo qudha in uu nolosha ku yimid shil, sababtuna ay tahay in la isu wada daymaysan yahay oo qof kaste ay qaani duudkiisa cusleysay waa dhaqan bulsho.



Waa sheeko xan-xanteynaysa damiirkeena oo isku dayaysa in ay si uun u toosiso dadnimadeena ay aastay dhitada taarikhada ee marar badan dhaxalkeedu yahay dhaqan gujufoobay ama duugoobeey.



Waxaan ku bogaadinaya qoraha buuga iyo cid kasta oo  tafa-tirkiisa gacan ka geystay'ba sida hagar la'aanta ah ee dhiganahan looga shaqeeyey. 



Alla mahad leh

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

BARRO BUUGGA HAWAALE WARAN

BUUGA HAL BEEG

BUUG AKHRISKA XOG'BUURAN KAA SIINAYA, KUNA JECLAYSIINAYA.