Midhaha Akhriska Qaybtii Labaad


Midhaha Akhriska Qaybtii 2Aad











Qormadeenii Hore waxaynu kusoo qaadanay Shan Qodob Oo kamida Midhaha Akhriska laga dhaxlo Qormadeenan maantana waxaynu kusoo qaadan doonaa Shan Qodob Oo kale Oo kamida Midhaha Akhriska laga dhaxlo, Akhris Wacan.







6. Waa hadal iyo qorid- yaqaan 

Khudbeeyayaasha dunida ugu caansani waxa ay ahaayeen dad akhrisku saameeyay, oo noloshooda uu ka muuqdo. Qofka qoraaga ah ee guulaysta,ama khudbeeyaha ah ee guulaystaa, waa qofba qofka uu akhriskiisu ka sarreeyo.

 Bal Abraham Lincoln eeg, bal Nelson Madela eeg. Dadkaasi, iyo kuwo kalaba, waxa ay noqdeen dad wax badan og.Qofku haddii uu wax badan ogyahayna, wax badan ayuu sheegi karaa.

Caqliyadii dunida soo maray ee iyaga ka horreeyay ayaya

akhristayaashawanwanaagsanika faa'idaystaan,markaas ayaa ay saameeyaan xirfaddoodii qoraal iyo toodii hadalba,

Haddii berigii baadiyaha, ninba ninka uu ka maahmaah iyo gabay-xifdin badan yahay, uu aftahan ka ahaa, maanta waxa hubaal ah in ninba ninka uuka taariikh iyo ogaal badan yahay uu ka aftahansan yahay. Sida oo kale waxa hubaal ah in qofina aanu taariikhdaa iyo ogaalkaa helaynin, akhris la'aan, Akhrisku markanna waa tabobbare.




7. Xasuustoodu waa ay sarraysaa

Akhristuhu waa qofka qudh ah ee yaqaan awoodda maskaxdu ay leedahay,Waxan uu akhriyayaa in ay maskax la mid ah ka soo baxday ayuu yaqiinsanayaa, kadibna waxa uu isku deyayaa in uu tiisa ka shaqaysiiyo. Dadka wax akhriyaa waxa ay buriyaan aragtidii Homer Simpson ee ahayd in "wixii cusub eeqofka ku soo kordhaa uu meesha ka saaro wax hore ugu jiray." Iyaga oo aan luminayn waxyaabihii ay hore u hayeen, ayay wax cusubna bartaan.Akhriskaagu haddiiba uu bato, aqoontaaduna badatay.

Aqoontaadu haddiiba ay badatayna, muhiimadda aad leedahay waa taa badatay. Muhiimadda aad leedahay haddii ay badatayna, fursadda aad ku guulaysan kartaa waa ay badatay.




8. Caajis waa uu ka dheer yahay

Akhristayaasha wanaagsani waxa ay maskaxda u arkaan in ay tahay muruq ay tahay in uu shaqeeyo. Sida jimicsiga Gym-ku uu muruqyada gacmaha qofka uga dhigo kuwo giigsan, ayaa akhriskuna maskaxda uga dhigaa mid dhisan oo diyaar u ah in ay aqoon dheeraad ah qaaddo.


Guulaystayaashu maskaxahooda ayaa ay si maalinle ah akhriska ugu jimicsiiyaan, si aanay u lumin firfircoonideedii, waa adigaa arkay guulayste kastaa in uu yahay qof weli dhadhan u haya guusha, oo aancaajisin, ama –kaaga daranta— aan isdhiibin.



9. Aqoon iyo ogaal badan ayaa ay hayaan

Guulaystayaasha waxa caawiyaa waa in ay wax barteen. Marka ay buug gacanta u qaadaan, uma bilaabaan si ayu dhammeeyaan oo keli ah e, waxa ay u bilaabaan si ay wax ugala hadhaan. Waxa akhrisku baraa in ay wax kasta oo ay lakulmaan, xog ama xaqiiq kala hadhaan. Akhriska buugi uma aha laylis iskuul oo ay tahay in ay ka soo shaqeeyaane, waa fursad ay garaadkooda ku kobciyaan.

Guulaystuhu buug kasta oo uuakhriyayo, xataa kuwa male- awaalka ah, casharro ayuu ka dhex uriyaa oo uu kala soo dhex baxaa.




10. Fekerkooda ayaa ballaadha

Qofka akhristaha ahi waxa uu isku dayaa in uu furfuro halxidhaalayaasha la xidhay qarniyo ka hor. Maskaxaha beri hore fekeray ayuu la saaxiibaa, isaga oo waxqabadkoodii akhriyaya. Sida uu Rene Descartes yidhina, " akhrinta buugga wanaagsani waa sidii oo aad la doodaysid caqliyadii dunidan soo maray ee waxsoosaarka yeeshay.” Tani waxa ay u keentaa in uu noqdo qof feker ahaan xor ah oo aan u afduubnaan hadba qoraaga uu markaa la joogo. 

Maskaxdiisa khristaha wanaagsan aad ayay u shaqaysaa. Waxyaabo badan oo wax laga yidhi, ayuu fahmaa, ka dibna raadiyaa xagal labanneeyay oo aan la iska taagin. 

Halabuurkiisa ayaa bata. Tani waxa ay u saamaxdaa in uu feker cusub la yimaaddo. Fekerkisaa ballaadhay waxa uu tabobbare u yahay guulaystaha.

Qofi waxa uu qof

afka kale guushauga dhaw yahay inta uu hal- curinta (ibdaaca) uga dhaw yahay.


Halkan ka Akhriso Qormadii Hore

https://akhrisdoon.blogspot.com/2021/07/midhaha-akhriska-laga-gurto.html


XOGAHAN WAXAYNU KASOO MIDHAYSANAY BUUGA CAALAMKA AKHRISKA.

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

BARRO BUUGGA HAWAALE WARAN

BUUGA HAL BEEG

BUUG AKHRISKA XOG'BUURAN KAA SIINAYA, KUNA JECLAYSIINAYA.