BUUGA HAL BEEG

GORFAYNTA BUUGGA HAL BEEG







Magaca Buugga: Hal,Beeg
Tirada bogagga:230.
Tarminta: kowaad
Magaca qoraha: Abdiqani Xuseen Beder


Hor -dhac

Taarikhda dheer ee adanahu waxa ay la soo bilaabantay loolan ka dhex abuurmey Nebi Aadan iyo ibliis.

Legdankaasi wajiyo badan oo af iyo adinba leh ayuu ka soo gudbey, herer kala gadisanna wuu soo maray.

Buugani waxa uu qayaxayaa halbeeg ay tahay in lugu cabbiro hirdanka fikradaha, isla markaana waxa uu daaha ka faydayaa duulaan maskaxeedka Muslimiinta ku wajahan,Taarikh ahaan,cidda hagaysa,agabka la adeegsanaayo,isla markaana waxa uu soo bandhigaya  qaabka loo caabin karo.

Bugaani waxa uu ka dhashay cilmi baadhis jawaab u raadineysa sababta hirdanka fikriga ahi ugu dhex aloosan yahay bulshada Soomaliyed wakhtigan, isla markaana raadeynta ugu yeeshey in badan oo ka mid ah.

Su'aashaas oo ahayd "Waa maxay mushkiladan ka dhex allosan muslimiinta."

Buugani waxa uu soo bandhigaya natijada jawaabtaas oo faahfaahsan, taas oo muujineysa guunimada asalka is caabinta fikradaha iyo in ay ahayd sunne taarikhda ku lamaan oo waligeed jirtey, waxa soomalida ku cusbana ay tahay oo kaliya in hirdankii jirey luqaad ahaan iyo deegaan ahaan loo Soomaaliyeey.


Dhanbaalada buugani xambaarsan yahay iyo u jeedooyinka loo alifay inaga oo qayb ahaan hore u soo xusanay,hadana waxaynu si kooban ugu tilmaami karnaa qodobadan soo socda:-

1. in bulshada loo soo dhaweeyo fahamka aasaasiyaadka iyo mabaadii'da diintooda qayb ahaan.

2. in loo muujiyo in islaamku yahay halbeega nolosha bulshada,heer qof, qoys ilaa mid qaran.

3. Buugu waxa uu si guudmara ah u soo bandhigayaa tiirarka caqiido ee muslimka, kuwaa soo ku aadan: Abuuraha,kawnkan guud ahaan, aadanaha iyo xikmadda abuurkooda, cumriga dunidan iyo aayaheeda danbe.

4. In la qeexo fikirka iyo arimo badan oo la xidhiidha, kuwaas oo si khaldan loo adeegsaday beryahan danbe, isaga oo dhinaca kale xoojinaya mabaadi'da xoriyada fikirka ee islaamka siiyey aadanaha.

5.dhigahani waxa uu balaysimayaa qawaacidda xayaaboreebka ah ee fahamka gurracan ee fekerka lugu sheegey lagu kala shaandhayn lahaa.

6.Buuggani waxa uu Daaha ka rogeyaa xaqiiqooyin dahsoonaa,kuwaas oo in kasta oo magacyo qurxoon loo bixiyey oo lagu iibgaynayey, hadana qorshayaal shisheeye iyo ahdaaf qaloocda loogu adeegayo.

7.U jeedada Buugani waa in qoraagu soo bandhigo arrimo laga rajeynaayo koboca fikradeed iyo heerka ogaaleed ee akhristahaba kor u qaadan.

8:in la kashifo wererka maandooriyaha ah ee bulshada soomaliyed ku aaadan, isla markaana daaha laga faydo  cawradiisa iyo ceebaha ku hoos jira ee dusha laga dadayo,luguna qurxinayo magacyo fiicfiican oo si gurracan loo adeegsado, sida  fekerka xorta ah, kobcinta dhaqanka iyo Suugaanta busldhada dhiri galinta aqoonta.

9.Qoraagu waxa uu isku deyaaya in uu ka qayb qaato badbaadinta caqiidada bulshada soomaliyeed ee muslimka ah, isagoo oo si sahlan oo maangal ah u bushinaya habdhiska falsafadaha iyo aragtiyaha sirgacan ee weerar maskaxeedka tooska ah ama dadban ku beegsanaya guud ahaan bulshada, gaar ahaan dhalinyarada iyo faca soo korraya.

Cilmi baadhuhu waxa uu uu gaadhey natiijo ah in garaad weererka ku socda bulshada soomaliyed uu yahay.

1. Loolan soo jireen ah oo abuurka Nebbi aadan la soo bilaabmay

2.weererka cidda hurineysa ee duulanka ahi waa awoodaha reer galbeed ee xilagan doonaya ina habdhaqankooda iyo ilbaxnimadooda ku sanduleeya umadaha kale, si gacan sareyntoodu u sii jirto, cid kasta oo halis ugu muuqatana loo hanjabiyo loona aadimiyo.

3. Maadama oo ilbaxnimada islaamku ay ahayd xadaradii ugu soo xiigtey afafka ilbaxnimada reer galbeed,  isla markaana ay ku salaysan  tahay mabaadi muslimku rumaysan yahay oo xoog badan,reer galbeedkuna ay u arkaan in islaamku yahay carwir challenge halis ku ah jiritaankooda, sida awgeed iyaga oo adeegsanaya koox muslimiin ah oo sababo kale duwan loo dagal galiyey ayaa ku jira gaylan adag oo ku aadan islaamka iyo goo mabaadi'sa.

4.cilmi baadhistani waxay ay muujisay in sida hirdanku soo jireenka u ahaa uu sii jireen u ahaan doono, isla markaana aanay dhici doonin in guul kama danbeysa ah laga gaadho, hase yashee, waayuhu kala muujin doonaan kooxaha muslimka ah ee  mabaadi'da caqiido toosan ku shaqaynaya iyo danastayaasha la maddiideeyey ee lagu guuro.

Comments

Post a Comment

Popular posts from this blog

BARRO BUUGGA HAWAALE WARAN

BUUG AKHRISKA XOG'BUURAN KAA SIINAYA, KUNA JECLAYSIINAYA.