BARO BUUGA FURAHA GANACSIGA




GUUD,MARKA BUUGGA FURAHA GANACSIGA.





 Buugga:furaha ganacsiga

Daabacaadii koobaad

Magaca Qoraaga: siciid Cali Shire


WQ, ZaaHir Cawaale Cabdi,



HORDHAC KU SAABSAN QORAAGA 

Qoraa siciid Cali Shire waa qoraa kamida Qoraayada Soomaaliyeed kuwooda ugu sareeya ,waxa uu qoray qoraagu inta ogaalkaygaa afar buug ay kamid yihiin,


1:Buugga hogaamiye 
2:Buugga bangiyada islaamka
3: Buugan furaha ganacsiga. iyo buuga
4: xigtaysiga xikmadaha


Waa macalin wax kasoo dhigay jaamacadaha wadanka ingriiska ,gaar ahaan cilmiga dhaqaalaha siyaasada kama madhna waxa uu mar soo noqday xildhibaan,xaga Suugaanta lafteeda kama madhna, waa qoraa aqoomo fara badan leh ood runtii ka dareemayso  dhiganayaashiisa.


XOG,KU SAABSAN BUUGGA

Buuggan furaha ganacsiga wuxuu soo baxay horaantii (2008), waxa uu buugu si cilmiya oo qoto dheer uga hadlayaa bilaabista ,kobcinta iyo badbaadinta ganacsiga.




waa Buug aad ay u isticmaalaan shirikaadka soo kobcaya ee Soomaalida iyo kuwa waa weyn intaba,waana indho,furka runtii qof kasta oo ay dhibi ka haysato inuu bilaabo ganacsi meel fog gaadha.


XOGAHA BUUGGA

guud ahaan buugu wuxuu ka kooban yahay saddex Qaybood,


QAYBTA HORE,

waxay muuqaal ka bixinaysaa sida loo noqdo entrepreneur & dhaqaale,yahan,

iyo sida loo sameeyo ganacsi ku taagan dhidibo adag oo meel fog gaadha mustaqbalka.


QAYBTA LABAAD,

qaybtan Labaad waxa uu qoraagu kusoo ban dhigayaa, sida lagu helo fikrad ganacsi

sida loo horumariyo iyo sida loo sameeyo shirikaad meel fog gaadha,waxay sidoo kale tilmaamaysaa qaybtani asbaabaha keena fashilka ku imaada shirikaadka iyo  sida Looga badbaado.


QAYBTA SADDEXAAD,

waxa uu qoraagu kusoo ban dhigayaa daraasad balaadhan oo buuga saldhig  u,ahayd, waxay Wax kabidhaaminaysaa qaar kamida waxyaabaha ay ku xunyihiin ganacsatada soomaalidu, qaab fikirka istaraajigaa sidee loo helaa sidee,se loo maamulaa maal_gelin xalaala, sidee

 laysaga celiyaa tartanka suuqa iyo siyaabaha loo sameeyo suuq,geyn fiican.


qof kasta oo business administration Doonaya gundhigiisa buugani aadbuu    uga   caawinayaa,Waxyaabaha aadka   Soojiidashada u leh waxa kamida ah markuu qoraagu ka hadlayo qaybksta oo,ganacsiga kamida wuxuu isku soo Xidhayaa dhaqanka soomaalida iyo xidhiidhka ka dhaxeeya .


waxaa kamida ah waxyaabaha aad ugu tagayso buugan _soomaalidu maxay  ku fiicanyihiin maxayse ku fiicnayn markay Xaga ganacsiga noqoto,wuxuu ku siinayaa afkaar badan oo ganacsiga gundhigiisa ah ama halka laga soo galaa.


waxa Kaloo uu ka waramayaa aragtiyaha ay ka qabaan dhaqaale_yahanada dunidu entrepreneur shipka ,faaidooyinkiisa iyo khasaaraha uu leeyahay,dabeecadaha Qofka entrepreneur shipka ayuu sidoo ka hadlayaa.   ;waxa kaluu ka hadlayaa Sidaad adiguba ku ogaan karto inaad entrepreneur tahay ,Waxa Kaluu ka hadlyaa

sidee loo sameeyaa  market iyo reasech

waxa Kaluu ka hadlayaa akhlaaqiyaadka iyo anshaxa ganacsiga iyo waxyaabo badan kuwaasi oo iftiin siinaya qofka mawaadiicdaan xiiseenaya, ganacsiga.


TALO,IYO GUNAANAD

waa buug runtii anfacaya qof kastoo ganacsiga & businesses administration si,guud doonaya inuu wax uga ogaado,

waa buug uu akhrin karayo qof kastoo ganacsi leh ,


waa buug uu akhrin karayo qof kastoo doonaya inuu aqoonyahan noqdo ay tahay inuu wax ka ogaado. waa buug cilmiyeed oo aad umuhiimsan.


waxaan idinkula talinayaa inaad akhrisaan   kuna darsataan Buug akhriseedkiina


Wax Hala akhriyo📖❤️


Wabilaahi tawfiiq.

Comments

Popular posts from this blog

BARRO BUUGGA HAWAALE WARAN

BUUGA HAL BEEG

BUUG AKHRISKA XOG'BUURAN KAA SIINAYA, KUNA JECLAYSIINAYA.