WAAYO ARAGNIMO UU DANJIRE MARAYKAN KA HELAY SOOMAALIYA
GUUDMARKA BUUGA SAFIIRKA.
XOG KU SAABSAN QORAHA.
Buugan waxaa qoray diblomaasi Peter Brigdes. Peter waa diblomaasi hore oo hawlgab ah, hadda macallin jaamacadeed. Waxa uu soddon sanno ku soo jirey diblomaasiyadda, weliba wakhtiyadii xidhiidhka caalamiga ah iyo siyaasaddu ugu xiisaha badnaayeen wuxuuna soo noqday safiirkii maraykanka u fadhiyey soomaaliya sannadihii 1984kii ilaa 1986kii,
XOG KU SAABSAN TURJUMAHA.
Buuggan waxa turjumay Kamaal Axmed Cali oo ah saxafi ruugcaddaa ah oo deggan Magaalada Hargeysa. Turjumaanku waxa uu shahaadada koowaad iyo ta labaad ka sitaa cilmiga barashada Horumarka (Development studies). Waxa uu hore u soo saaray laba buug; mid turjuman iyo mid uu qoray, oo kala ah: Aamina Almufti iyo Afgembigii dhicisoobay _ Qisada Shirqoolkii Turkiga ka dhacay.
Waxa uu 15-kii sanno ee ugu dambeeyay ka tirsanaa Warbaahinta isaga oo guddoomiye ka noqday wargeyska caanka ah ee Geeska Afrika oo kasoo baxa Magaalada Hargeisa Imika waxa uu maareeye iyo tafaftire guud ka yahay Telefiishanka Codka Bariga Afrika.
XOGAHA BUUGA
Buugani waxa uu xanbaarsan yahay waayo aragnimada danjire peter Brigdes uu ka helay shaqadiisii adeega arrimaha dibadda ee Maraykanka , gaar ahaana intii u dhaxaysay 1984kii ilaa 1986kii oo ah intii uu ahaa danjiraha Soomaaliya iyo sannadihii ka horreeyey tegitaankiisii afrika.
Buugani inta uu turjumaad toosa yahay waxaa kabadan inta uu yahay akhriska iyo soo koobidda buugga safiirkaee uu Qoray danjirihii maraykanka u fadhiyey soomaaliya sannadihii 1984kii ilaa 1986kii.
Danjire Peter Bridges waxa uu si farshaxannimo ah inoo tusayaa xidhiidhkii maraykanka iyo soomaaliya ee xilliyadaas qaabkii uu maraykanku ula dhaqmi jiray dawladaha dunida Saddexaad iyo habdhaqankii diblumaasiyadeed ee dawladdii soomaaliya ee xilligaas jirtay buugan waxa uu kaga warramayaa geeddigii shaqadiisa diblumaasiyadda isaga oo dul istaagaya dalal kala duwan oo uu kasoo shaqeeyey.
Waxa uu si ballaadhan uga sheekaynnayaasida diblomaasiyaddu u shaqeyso ,gaar ahaan sida xafiiska safiirku u shaqeeyo,Awooddaha safiir,kuxigeenka iyo qaabka ay safaaraddu u dhisan tahay iyo hab shaqeedka qofka diblomaasiga ah laga rabo.
Peter Bridges waxa uu inna barayaa sida ay Aqoonta waayo'' aragnimada iyo fahamku u yihiin Furaha ay dawlad kastaa ku ahaan karto mid kasoo baxda waajibaadka ummaddeedu ku leedahay'iyo in aanay shisheeye udaba fadhiisan hawlo ay si degen u qabsan karto.
Buuggani waxa uu muhiim u yahay dadka xiiseeya xogaha taariikhigaa ah iyo ku cibro qaadashada wixii lasoo maray.
Waa Buug ay dhex,ceeggaagaan xogahaynu soo xusnay iyo in ka badan oo taariikhi ah.
Waa Buug Aad ku dhameyn karto Saddex ilaa afar fadhi laakiin halka dhaliil een buugan kaaga sheegayaa waa fartiisa oo aad u yaryar taas oo kugu keenaysa inaad ka caajisto marmarka qaar,
Waxaan idinkula talinayaa inaad ku darsataaan liiska Buug Akhriseedkiina.
Wabillahi Tawfiiq.
Comments
Post a Comment