MIDHAHA AKHRISKA LAGA GURTO
MIDHAHA AKHRISKA LAGA GURTO
Dad badan ayaa laga yaabaa in ayiswayddiiyaan, haddii aannu akhriskii micnihiisa fahamnay, oo mudnaanta uu noo yeelanayana garannay, maxay yihiin jaadadka midho ee laga guran karaa? Hadda waxa aynu u gudbaynaa in aynu iswarsanno, maxaa laga helaaa akhriska Ha ku khaldin mudnaanta akhriska Iminka ka hadli mayno muhiimadda uu kuu leeyahay, ee waxa aynu ka hadlaynaa natiijada ka dhalata marka aad akhriska la saaxiibtid Natiijadan waxa hela akhristaha wanaagsan.
Hoos ayaynu u dhaadhacaynaa'.
Akhriska iyo Qulubka
Qulubku (stress) si fudud, waa falcelin uu qofku ka bixiyo carin (stimulus) ku timi oo khalkhal gelisay dheelitirankii jidheed iyo kii maskaxeed ee qofkaba, Qulubka habab badan oo lagula tacaalo ayaa jira.Nasasho iyo shaah aad cabtid, ayaa inta badan caan ah. Balse, weli ma ka fekertay waxtarka aan yarayn ee akhrisku ka geysto qulub-yaraynta?! Deraasad ay 2009 soo saartay jaamacadda Sussex ayaa lagu sheegay in lix daqiiqo oo keli ah haddii qofka qulubsani u fadhiisto akhris ay taasi hoos u ridayso heerkii qulub;- Iyada oo awelkaba akhrisku anfaco u leeyahay hawlo badan, misana waa in aynu maskaxda ku haynaa in marar badan ay tahay in akhriska xiisayn iyo raaxo loo akhriyo. Marka aad buug dhex quustid, ama male-awaal ha noqoto, ama sheeko jacayl ha noqoto, ama xataa male-awaal-sayniseed (Sci-fi) ha ahaado e, waxa ay taasi ku geyaysiin doontaa in aad qulubka ka madaxbannaanaatid maalin kasta Waxtar duleed oo uu hoos ugu dhigayo heerka garac ee wadnahaaga iyo fududaynta muruqyadaadu in aanay tigtigmin, ayaa akhriska laga helaa Dr Lewis, oo ah niyuuro kasmonafeedyahan caqliyeed (cognitive neuropsychologist), ayaa ku tiraabay, “Naftaada oo aad buug ku dhexillawdaa waa raaxaysi iska dhan.. Run ahaan nooca buug ee aad akhriyaysaa micno ma leh, waxa muhiimka ahi waa in buuggii aad akhrido ee aad dhex quustaaba uu kugu simi doono ka-takhallusid aad qulubka maalinlaha ah u dhammasid.” Casharrada aad buugta qaar ka baran kartid ayaa kugu keeni karta in aad baratid siyaabo kala geddisan oo qulubka loo yareeyo,ama loo xakeemeeyo Ogoow oo mar kasta oo aad buug kor u qaaddid, gurigana aad ku dhex akhrisatid, waalidna aad tahay,waxa ay taasi keensanaysaa in ubadku barto la-saaxiibidda buugta. Sidaasna waxa uu qoyskuba ku helayaa midhaha weyn ee qulub-dilidda ah ee akhriska lagu sheegay, lagana helay.
Akhriska iyo Caafimaadka Maskaxda.
Qofka wax badan si joogta ah u akhriya, ee akhriste macmiil ah u noqda buugtu waxa uu dhaxlaa waxtar badan oo ‘i tus ooitaabsii’ ah. Waxa aynu qaybtii hore kaga soo hadalnay sida mucjisada leh ee akhriskii aad taqaannay u saameeyo qofka qulubsan, ugana caawiyo in uu qulubka xakameeyo. Aynu hadda u wareegno qayb kale oo weynaanteeda iska leh, Muddooyin badan ayaa akhriska iyo saamayntiisa, midhihiisa iyo natiijada uu akhristaha ku leeyahay la baadhayay. Aqoonyahanno badan ayaa arrintan wax badan ka yidhi Maskaxda aadanaha oo ah meel uu qofku ka tamariyo, oo uu wax weyyn ku qabo, ayaa waxa soo gaadha cillado iyo caafimaad-darrooyin kale Cilladahaa maskaxda iyo garaadka qofka weerara ee wiiqi kara haddii aan laga hortegin waxa ka mid ah“duqoobidda caqliyeed –cognitive aging.”Deraasad lagu daabacay warsidaha Neurology4ayna ka qaybqaateen khubaro badani ayaa arrintan lagaga hadlay. Waxyaabaha deraasadda oo la daabacay 2013 sheegayso in ay sabab u yihiin duqoobidda caqliyeed ayaa laga dheehan karaa qodobbo uu akhriska caadiga ah ee joogtadi ah maare u yahay.
Akhriska iyo Guusha
Midhaha laga goosto akhriska ma ku jirtaa guushu? "Haa" ayaa aynu ku doodaynaa. Xidhiidhka akhriska iyo guusha ka dhexeeya ayaa aynu isla eegi. Diinta Islaamka aynu ka bilawno geeddigeenna.Qur’aanku waxa uu inoogu bushaaraynayaa in uu wado guusha dhabta ah. Isla Qur’aankaa bushaaraadaa wada ayuu Alle u doortay in uu ku bilaabo erayga “Akhri –أرقإ.”Natiijo ahaan, waxa isku xidhan, Si ama si kale, guusha uu Qur’aanku wado ee bushaarada ah, iyo akhrinta Qur’aanku wado ee amarka ah.
GUULAYSTAYAASHA IYO
AKHRISTAYAASHA MAXAA KA
DHEXEEYA?
Haddii aynu helno astaamo ay wadaagaan akhristayaasha runta ah iyoguulaystayaasha dhabta ahi, waxa aynu ku doodi karnaa, in xidhiidhka akhriska iyo guushu yahay mid jira oo mudnaantiisa leh, midhaha laga goosto akhriskuna yihiin kuwo jira. Aynu taxno tiraba Shan sifo oo labada qolo wadaagaan.
1. Diiraddoodu ma leexleexato
Dadka guulaystaa inta badan waxa ay xoogga saaraan hawl gaar ah muddo cayiman, Waa ay ka soo dhalaalaan. Ilaa ay dhammeeyaanna, ma libiqsadaan.Oo qabyada waa ay neceb yihiin,Sidan oo kale ayaa lagu arkaa akhristayaasha wanwanaagsan. Qofka buug akhriyayay, ee doonaya in uu akhriyaa, inta uu kala furo kama tago isaga oo aan dhammayn, oo midka kale iskama bilaabo.Mawduuca ayuu xoonsanaanta saaraa. Halkan ayaa uu ku sii tababbartaaba.
2. Yoolal ayay dhigtaan
Iyaga oo diiradda adkaynaya,ayaa haddana akhristayaashu ay dejistaan hadafyo mar kasta oo ay wax-akhris u fadhiistaan Waxa aynu ka hadlaynaa akhristaha gaasa-baxay, ee wanaagsan. Inta buug ee uu akhrinayo, inta bog ee uu fadhigii kasta akhrinayo, iyo faahfaahinnada la midka ahi waa ay u qoran yihiin. Sidan oo kale ayaa lagu yaqaan guulaystayaashana Qof aan qorshe dhiganini ma guulaysto, qof aan guulaysaninna qorshe muu dhigan. Hadafyadaas la dhiganayaa, ee guulaystayaashu dejistaan, ma aha mid maalinle ah oo keli ah, xataa hadafyo nololeed ayay leeyihiin. Qofku akhrista ah ayuu ku tabobbaran karaa.
3. Waqtiga waa ay ka faa'idaystaan.
Dadka akhristayaasha ah waqtigu waa u muhiim. Ama in uu muhiim u noqdo weeye. Ma jiro waqti "firaaqo" ah oo laga helo qaamuuska qofka akhristaha wanaagsan ah. Sidaas oo kale guulaystuhu waa uu ka faa'idaystaa waqtigiisa. Ma lumiyo daqiiqadna. Si uu u xaqiijiyo hadafkiisii. In aad noqoto akhriste wanaagsan, ayaa kaa dhigi karta waqti-maamule wanaagsan. In aad noqoto waqti-maamule wanaagsanina waxa ay kaa dhigi kartaa guulayste wanaagsan.
4. Xagal-araggoodu waa uu qaabaysan yahay.
Qofka akhristaha ahi wax uun ma akhriyo, ee dhinacyo badan ayuu wax ka eegaa. Xog keli ah kuma kaaftoomo, Xagasha uu wax ka eegayaa, ma aha mid qudha oo uu isku koobo. Sidaas oo kale ayuu xagasha qoraaga uu akhrinayaa u saamaysaa oo uu weliba ka faa'idaystaa isaga oo gorfayn samaynaya, Guulaystayaashuba waa sidan oo kale. Meel keli ah inta oo uu wax ka eego, isma maqiiqo, ee wejiyada arrinta hor taalla oo idil, ama ugubadnaan, ayuu dheehdaa. Markan ayuu go'aan gaadhaa, dhaqaajiyaana. Waa mar kale oo haddana akhriskii noqday tabobbaraha guulaystaha.
5. Waa laga dheehankaraa.
Qofka akhristaha ah waa laga dheehan karaa waxa uu akhristay, ee uu weliba ku raadoobay. Noloshiisuba waa ay qaabaysan tahay. Qofkii akhristaha ahaa marka uu xaglihii wax laga eegayay uu badsaday, waxa uu isku dayaa in uu ummaddana uga faa'ideeyo oo uu waxsoosaar yeesho. Guulaystuhuna miyuuna sidaas oo kale ahayn? Inta uu naftiisa dhiso, miyaanu hadhaw dadka wax ku soo celin? Alla isu eekaa! Waa tabobbarkii akhriska.
Mahadsanid Walaalo
ReplyDelete