Midhaha Akhriska Qaybtii Labaad
Midhaha Akhriska Qaybtii 2Aad Qormadeenii Hore waxaynu kusoo qaadanay Shan Qodob Oo kamida Midhaha Akhriska laga dhaxlo Qormadeenan maantana waxaynu kusoo qaadan doonaa Shan Qodob Oo kale Oo kamida Midhaha Akhriska laga dhaxlo, Akhris Wacan. 6. Waa hadal iyo qorid- yaqaan Khudbeeyayaasha dunida ugu caansani waxa ay ahaayeen dad akhrisku saameeyay, oo noloshooda uu ka muuqdo. Qofka qoraaga ah ee guulaysta,ama khudbeeyaha ah ee guulaystaa, waa qofba qofka uu akhriskiisu ka sarreeyo. Bal Abraham Lincoln eeg, bal Nelson Madela eeg. Dadkaasi, iyo kuwo kalaba, waxa ay noqdeen dad wax badan og.Qofku haddii uu wax badan ogyahayna, wax badan ayuu sheegi karaa. Caqliyadii dunida soo maray ee iyaga ka horreeyay ayaya akhristayaashawanwanaagsanika faa'idaystaan,markaas ayaa ay saameeyaan xirfaddoodii qoraal iyo toodii hadalba, Haddii berigii baadiyaha, ninba ninka uu ka maahmaah iyo gabay-xifdin badan yahay, uu aftahan ka ahaa, maanta waxa hubaal ah in ninba ninka uuka taariik...