Posts

BARO BUUGGA GARAADSO IN'TAADAN GUURSAN

Image
  Baro Buugan.. Garaadso intaadan  guursan Magaca Buuga, Garaadso intaadan Guursan Magaca qoraha: Mubaarak Maxamuud Saleebaan { Mubaarak Hadi}  Tirada bogoga: 200 bog. GUUD-MAR Waxan iskii barayaa, waxna idinka iftiimin doona buugan la magac baxay, Garaadso intaadan Guursan ee uu qoray Ustaad Mubaarak Maxamuud Saleebaan {Mubarak Hadi} ,waxa uu inna la wadaagaya muggii ka soo maaxday dhawr iyo sano oo aqoon iyo waayo_aragnimo uu ku soo uruuriyay Buugan. Garaadso intaadan Guursan wuxuu ka kooban yahay Laba qaybood iyo 13 Cutub oo kala ah . Qaybta Hore : qaybtan qoraagu wuxuu kaga sheekaynayaa nolosha Guurka ka hor iyo xilliga Doorashada lamaanaha . "Qaybta Labaad:- qaybtan qoraagu wuxuu kaga sheekaynayaa nolosha Guurka iyo Waayaha ku xeeran Cutubka koobaad:- Ujeedooyinka iyo faa'iidooyinka Guurka Wuxuu ku bilaabayaa isagoo gun dhig uga dhigaya Cutubkan aayad quraana oo inoo sheegaysa faa'iidooyinka Guurka  "Aayadihiisana waxaa ka mid ah in uu naftiinna idinka abuur...

Saddex Caadoo ay Muhiim tahay inaad yeelato

Image
Waxaa la'idhaahdaa Qofku Caadooyinka isagaa samaysta Caadooyinkuna qofkay sameeyaan. Waxaan jeclaystay inaan maanta idinla wadaago saddex caado oo dahabi'ah oo hadaad noloshaada ku dabaq'do isbeddal iyo horumar baaxad leh noloshaada u horseedi doona. 1: Caadada koobaad; yeelo caadaad kuu fududaynaya waxa aad dooneyso eed hiigsaneyso.Maadaama nolosha waxa aad samaynaysaa ay yihiin caadaad is daba taxan waxaa muhiim'ah inaad yeelato caadaad kuu fududaynaya waxa aad dooneyso Aroor kastoo waa beryaba waxaa ku ag mara duruus hadii aanad sii akhriyin beraad imtixaaman'tahay"  __Yam Yam  2: Caadada Labaad; yeelo caado wax Akhris Hadii aad dooneyso noloshaada wacyi iyo ogaal iyo aqoon inaad yeelato oo aanad lahayn caado wax Akhris waa inaad caado wax Akhris sameysato. "Hadii gugii kuu kordhaa gabow mooyee ku tarin garaad iyo waayo'arag ilayn wax ma dhaantid geed" __Gaariye 3: Caadada saddexaad; waa inaad yeelataa caado dibu eegis isla xisaabtan'eed i...

BUUG AKHRISKA XOG'BUURAN KAA SIINAYA, KUNA JECLAYSIINAYA.

Image
Magaca Buugga:Caalamka akhriska. Magaca qoraaga: Abdicasiis Guudcadde. Dhiganahan Caalamka Akhriska waa buug yare ku saabsan wax Akhriska waxa uu akhriste kasta oo Soomaaliyeed siinayaa Xog,buuran oo mug,weyn oo ku saabsan Akhriska. Dhiganahani Waxa uu ka kooban yahay afar Qaybood oo waa,weyn. 1:Qaybta hore waxa uu qoraagu ku lafa gurayaa. Micnaha akhriska waxa uu yahay iyo taariikhdiisa oo aad u kooban. 2: Qaybta Labaadna waxaad ugu tageysaa oo qoraagu ku sharaxayaa, mudnaanta Akhrisku u leeyahay akhristaha,cidda aan wax akhrinna uu kala maqan yahay 3: Qaybta Saddexaadna waxa uu qoraagu inoogu sharaxayaa midhaha Akhriska iyo faaidooyinkiisa 4: Qaybta u danbeysa ee Afaraadna waxa uu qoraagu inagu siinayaa Talooyin guud inooguna sharaxayaa,qodobbo qofka geyaysiin kara sidii uu u noqon lahaa akhriste wanaagsan, oo micnaha iyo mudnaanta akhriska fahamsan, midhihiisana goosta. Buugg yarahaan waxaa dhex fadhiya  waayo arragnimo, balaadhan waana tilmaame Wanaagsan dhanka Akhriska...

Gorfeynta Buugga Hawaale warran

Image
Magaca Buugga: Hawaale warran Magaca Qoraha: Mohamed ibraahim warsame hadraawi Tirada bogoga: 234 bog  WQ, ZAAHIR CAWAALE GUUD,MAR  Waxaan iskiin barayaa waxna idiinka iftiimin doonaa buugan lagu magac dhabay Hawaale warran, abwaankeena Mohamed ibraahim warsame  hadraawi waxa uu inala wadaagayaa xasuusqor waaayo aragnimo iyo hogatusaale uu abwaanku inooga dhiteeyay wixii uu ka xasuusan karayay waayihii nololeed ee soomaalidu soo martay tan iyo waayadii ay ahayd xoolo dhaqato reerguuraa ah. Buuggan waxaa qoray Mohamed ibraahim warsame hadraawi, waxaa tafatiray Mohamed saleebaan cumar. Buugu waxa uu ka kooban yahay lix Cutub Ugu horreyn intaynu u gelin Cutubyada buugga waxaan rabaa inaan Idiin soo gudbiyo fikradda guud ee buugu gudbinayo.  Fikradda guud ee buugu gudbinayo waa xasuusqor , waayo' aragnimo iyo hogatusaale uu abwaanku inooga dhiteeyay wixii uu ka xasuusan karayay waayihii nololeed oo wax ku qaadasho leh. Guda_gal Hawaale warran waxa uu ku bilaabmayaa Arar ...

BARO BUUGA DAD DAL WAAYEY IYO DUNI DAMIIR-BEESHAY.

Image
Magaca buuga: dal dad waayey iyo duni damiir-beeshay. Magaca qoraha: Maxamed daahir afrax. Tirada baalasha: 245 baal. Tirada waax-yada: 5 cutub. Tar-minta buuga: Daabacadii labaad GUUD-MAR Waxan iskii barayaa, waxna idinka iftiimin doona buugan la magac baxay, "Dal dad waayey iyo duni damiir-beeshay" waa buug gil-gilaya garaadka Ummamka soomaaliyeed iyo kan dunida dibadba. Maxamed daahir afrax oo ku caan-baxay isku-taxaluujinta iyo wax-ka-qorida dhiiran ee arimaha soomilada, qoraaladiisii horena u badnaayeen dhanka hal-abuurk suugaanta iyo cilmi baadhista dhaqanka, waxuu buugisan si cilmiyaysan ugu lafo-guraa dhinacyada kala-gadisan ee aafada soomilada ku habsatay, taas oo uu ku eegayo aragti cusub oo inugu dhalineysa fikir cusub. Hab qoraalka Dhiganahi waa mid u jan-jeedha hanaanka qoraalda suuganaysan. Waa hab-raac furan oo adeegsanaya eray-xidhiidh iyo af-shaxano akhristuhu ku nasto, sida sarbeebta,kajanka,kafanka,maahmaada,sawir-afeedka iyo tixraacyo sugaaneed oo talan-...

BARRO BUUGGA HAWAALE WARAN

Image
  Baro Buugan.. Magaca dhiganaha: Hawaale warran. Magaca qoraha: Maxamed ibraahim warsame. Tirada bogoga:234 bog. GUUD-MAR Waxan iskii barayaa, waxna idinka iftiimin doona buugan la magac baxay, Hawaale-warran abwaankeenna weyn waxa uu inna la wadaagaya muggii ka soo maaxday maskaxdiisa eebbe ku mannaystay ee hibada hal-buurnimo iyo hillaadinta fogaan aragga ah lahayd. Dhiganahani waa mid si farsahxanimo leh loo qaabeeyey oo wakhti badan la galiyay. Cover-ka nashqadaysan ee sawirka abwaanku ku dheggan yahay ayaa kuu muuqanaya judhiiba, far waaweyn oo nidaamsan ayaa ka hoosaysa sawirka lagu dhex milay midabka madowga ah ee loo xulay in summad looga dhigo hawaale warran. Ararta buugga oo ay ladh hoosaad u tahay "NOLOSHA IYO QALINKA" ayuu hab gammaaris ah qoraagu buugga inoogu uur-dooxayaa.  Waxa uu ku bilaabayaa " Baahida qofka iyo baadidoonkiisu way is celiyaan. Waxa ku abuuran in marba marka ka danbaysa noloshiisa isbeddal ku yimaaddo. Waxa uu maalinba maalinta ka danb...

BARO, BUUGGA HELEN KELLER

Image
Magaca Buugga: Helen Keller Qoraha Buugga:  Cabdirasaaq Sandheere Bogagga: 262 bog WQ, ZaaHir Cawaale Cabdi Hordhac " Taariikhda dad baa ku dhigan,  Dhintaa jira nagu dhexnool, Waxaad dhulka uga tagtaa, Xasuus iyo waa dhigaal , Dhashaadana waa u keyd, Adoo dhaxalreebi kara , Ha noqon dhinte aan la tebin!". { Waa ereyo hordhac u ah Buugga.} Xog ku saabsan Qoraaga Buuggan Waxaa Qoray qoraa { Cabdirasaaq C/rashiid Maxamed} Oo ku Magac dheer { Cabdirasaaq Sandheere}. waa qoraa  ku  nool magaalda boorame oo inta badan wax ku qora baraha Bulshadda Sida ✓Facebook . ✓ Blog, waxaanu leeyahay Barnaamij  taxane ah oo sookoobidda iyo Gorfaynta Buugtaa kasoo ka baxa kanaalkiisa YouTube oo ku Magac suntan {Xogkorodhsi} .  Waa qoraa Qoray inta ogaalkaygaa ilaa Saddex buug oo buugani ku jiro Laba kamidana aan  akhriyey oo runtii ku sifeysan Hab,qoraal sare iyo Hibbo soo jeeddinneed . Guda_gal Buuggu waa buug sooyaal,oo qaab Sheeko Dhiirigelin iyo carin isku gu  j...