BARRO BUUGGA HAWAALE WARAN
Baro Buugan..
Magaca dhiganaha: Hawaale warran.
Magaca qoraha: Maxamed ibraahim warsame.
Tirada bogoga:234 bog.
GUUD-MAR
Waxan iskii barayaa, waxna idinka iftiimin doona buugan la magac baxay, Hawaale-warran abwaankeenna weyn waxa uu inna la wadaagaya muggii ka soo maaxday maskaxdiisa eebbe ku mannaystay ee hibada hal-buurnimo iyo hillaadinta fogaan aragga ah lahayd.
Dhiganahani waa mid si farsahxanimo leh loo qaabeeyey oo wakhti badan la galiyay. Cover-ka nashqadaysan ee sawirka abwaanku ku dheggan yahay ayaa kuu muuqanaya judhiiba, far waaweyn oo nidaamsan ayaa ka hoosaysa sawirka lagu dhex milay midabka madowga ah ee loo xulay in summad looga dhigo hawaale warran.
Ararta buugga oo ay ladh hoosaad u tahay "NOLOSHA IYO QALINKA" ayuu hab gammaaris ah qoraagu buugga inoogu uur-dooxayaa.
Waxa uu ku bilaabayaa " Baahida qofka iyo baadidoonkiisu way is celiyaan. Waxa ku abuuran in marba marka ka danbaysa noloshiisa isbeddal ku yimaaddo. Waxa uu maalinba maalinta ka danbaysa u gucleeyaa sidii uu guushii shalay mid ka xeeldheer u soo hooyo. Waxa uu doonayaa in maalinba maalinta ka dambaysa aqoontiisu sii durugto, isku-kalsoonidiisuna cirka isku sii shareerto. Nolosha qofku way xeel-dheertahay. Si kasta oo uu garashadeeda ugu fogaadaa waxa ay la mid tahay, isaga oo aan tin ka jarin. Nolosha sharciyadeedu waa in qofku dhinto isagoon gunteeda gaadhin.
Way ka ood shishaysaa
Ardaageeda waagiyo
Nin aroorta sugayaa
Nin aflaxay tin kama jarin
Nin irmaanta qaadiyo
Axad jiraba waa been
Afartiisa weedhood. (Afkusiran, 1997).
Qoraal akhriska ku jecleysiinaya kuna soo dhawaynaya ayuu kugu ibo-furayaa. Gogol-dhigga buugga ayuu hadraawi korriinkiisii iyo hanaqaadkiisii kaga warramayaa. waxa uu sheegayaa halka uu ku dhashay iyo barbaarintiisii illaa dun ku xidhiidhsan sooyaalkiisa curinta suugaanta iyo masraxyada. sidoo kale intii uu ku xidhnaa qansax dheere, sababtii loo xidhay iyo noloshiisii xabsiga ayuu guudmar kuugu gogol dhigayaa.
Buuggan waxa qoray Maxamed Ibraahim Warsame Hadraawi, waxa tafatiray Maxamed Saleebaan, isaga ayaana waqti badan geliyay garaacista isku habaynta iyo kala hufka, iyadoo ay ku adkaatay in uu si cad u fahmo farta hadraawi hadana dusha ayuu masuuliyaddaa soo if bixistiisa u ritay bogaadinna waa mudanyahay.
GUDA-GAL
Hawaale-warran waxa uu ka kooban yahay lix cutub oo kala duwan oo kala noqonaya;
Cutubka koobaad.
Qoruhu waxa uu kaga warramayaa noloshiisii uu soo gaadhay iyo waayadii ay soomaalidu ahayd xoolo-dhaqato reer guuraa ah. Bogga 15aad illaa bogga 42aad.
waxa uu qoraagu ka tibaax bixinayaa in ay noloshaasi lahayd jaangooyo qorshaysan iyo qaabdhismeed waafaqsan u jeeddooyinka iyo danaha laga leeyahay iyo halhays odhanaya " barbarkay ka baxdaa waa bakaylo qaleen".
Tacab, dardar iyo xiise joogto ah oo ka soo jeeda anshaxa, agabaynta, aqoonta, aftahammada iyo aloosnaanta ayaa cimrigeeda dheereeyay. Haddii aad doonayso in aad wax ka ogaato xaaladda ay ku sugnayd bulsho xoolo-dhaqato ah iyo reer guuraa ah oo aan waxba qorin, marinka iyo majaraha nolosheeda waxa laga raadiyaa suugaanteeda iyo wixii ay waayaheeda ka tidhi" sidaa qoraa ayaa ku sheegayaa isla cutub kaas. Maahmaahyo waagaas dhexdooda ka samaysmay ayuu tilmaamaya ama soo qaadanaya.
Qofka deeqaha ilaahay siiyay kuma shaqaysan jirin keligii , ee waxa uu ugu shaqayn jiray nolosha iyo noolaha.
Aqoontiisaa iyo lexaadkuna waxa ay ahaayeen kuwo ka badan wax uu isagu ku shaqaysto.
Qofkastaana wuxuu adeegsan jiray u jeeddooyinka loo abuuray. Halhayskan hoos ku xusan ayaa ka turjumaya nolosha sumacad doonka ah ee soomalida iyo siday u tahay bulsho sharafteeda ilaashan og.
"Ama waa la muuqdaa
Ama waa la maqan yahay".
Waxay ahayd bulsho qab leh oo neceb dhab-caalnimada, tirsan-waaga, quudhsiga iyo sarriigasho la'aanta. Qofku in uu muuqdo ayuu muunad ku lahaa isaga oo jooga in la tirsan waayaa sharaf dhac ayay ku ahayd. Waxa uu ku dheeraanayaa bulshada dhexdeeda in la fogeeyo oo la dayriyo wax kasta oo xumaan ku astaysan in ay dhaqan u ahayd soomaalidii hore.
Murti nolosha laga miiray oo ay dadkaasi halhaysyo iyo maahmaahyo inoogu dhiteeyeen oo dhamaantood dhaqanka iyo anshaxa hufan ee karaamada, milgaha iyo maamuuska nafta lagu ilaaliyo u badan ayaa ku xusan.
Guud ahaan cutubkani marka laga tego dhaqankii soomaalida ee uu u soo joogay abwnaanku, shaqsiyaddiisa gobonimada, kal samaanta iyo dhiiranaanta leh ayaad wax ka ogaanaysaa inuu jecelaa xoriyadda, nabadda dawlad wanaagga iyo horumarka.
Cutubka labaad.
Qoraagu cutubkan waxa uu kaga warramayaa noloshii soomaalida ee ku suntanayd xoolodhaqata iyo reer guuraaga.
Wuxuu ku sheegayaa sidoo kale aqoonta asalka ah iyo aqoonta ku saabsan abuurta (the nature) , waxa la yidhaahdaa bini-aadamka cidda ugu nasiibka badan ee aqoonta macnawiga ah ugu xeesha dheeri waa bulshada xooladhaqatada ah ee weliba reer guuraaga ah.
Lixda meesi ee kala ah ; geel, adhi, lo' iyo gammaan, Ayuu sheegayaa in ay u qaybsan yihiin saddex lammaane oo isku dheelitiran. Waxa ay ku kala duwan yihiin caadooyinka uu mid walbaaba leeyahay. Lixdaas, laba waliba waa isku bah, marka loo eego xiliga ay qooqaan. Waxay ku kala duwanyihiin sida tan.
Awrka iyo orgiga - xilli ku qooq
Wanka iyo dameerka - xilli walba qooq
Dibiga iyo faraska - calool ku qooq
Wuxu sidoo kale kaga hadlayaa cutubkan qaybsiga dhaqaalaha. Wuxuu ka warramayaa in lo'du ay ahayd dhaqaale ka dhaxayn kara ragga iyo dumarka oo labadooda midba dhinac ka soo galo Markaa waxa loo baahday dhaqaale ragga iyo dumarka ka dhexayn kara kala sooca oo xad u kala yeela, sababo lagama maarmaan ah dartood.
Dhaqaalaha labadooda kala duwi karaa waxa laysku waafaqay in uu noqdo adhiga iyo geela. Mid mid ayuu u dul istaagayaa qoraagu meesiyada soomaalidu dhaqato waxtarkiisa iyo qaabka ay xannaaneeyaan.
Cutubka saddexaad.
Guur iyo Geeddi Nololeed.
Odhaah cinwaankan hoos tagaysa ayaa noqonaysa bu'da cutubkan. Waxay odhanaysaa " si nololwadaaggu u fududaado, waa in wax isu-ahaani jirto, dadkuna yeesho xeer iyo xadhig wax ka dhexaysiiya".
Si hufan ayuu u faaqidayaa qodobkan aan idhaahdo mawduucan uu doortay. Wuxu rog rogayaa noloshii tacabka iyo hawsha ku suntanayd ee aanu jiri jirin qof bilaash wax ku helaa. Noloshii is luritaan la'aanta iyo fadhiga ka madhnayd. Muhiimadda wax isku ahaanshaha iyo xididnimada ayuu dhinacyo badan wax ka taabanayaa. Kaalinta ay ku lahaayeen dhaqankeenna dumarka dumaasha ah, sababaha guurka badan iyo dir iyo daabaan waxa loo yaqaano ayuu qalinka ku falaqeynaya.
Cutubkan oo aan u arkay mucda iyo nuxurka dhiganahan ayuu qaybo badan kaga faaqidayaa kaalinta mugga weyn ee ay dumarku ku leeyihiin kuna lahaayeen ka bulsho soomaaliyeed ahaan dun-ku xidhasho illaa xilasho. Gabadhu hawsha nolosha ay ka haysaa in ay ahayd mid culus oo guudkeeda saaran kana waajibaad badnayd wiilka tarbiyaddeedana culays la saari jiray ayuu carabka ku adkeeyay.Heerarka da'eed ee sida nidaamsan u lahayd gu' kasta iyo hawl u gaar ah ayaa tacajab leh sida uu uga warramayo.
Kaalintii wiilka ee nololshaa uu u soo joogay ayuu qoraagu inoogaga sheekaynayaa in ay ahayd mid geesinnimo, aftannimo iyo deeqsinimo lagu xisho.
Sidoo kale Inta aanu guri-gelin ee geenyo loo meherin ay noloshiisu nolol-ka saahid iyo u badheedhitaan dhab ah oo geerida loo badheedhayo ay ahayd ayuu ka warramayaa.
Cutubka afraad:
Waxa uu qoruhu isku dul taagayaa soo rogaalcelinta guumeysiga cusub iyo xaaladaha bulsheed ee soomaalida maanta ; haweenka, ubadka, qurbaha, qaadka, ragga, tahriibta ama sibiqdhaqaaqa.
Cutubka shanaad :
Waxa uu qoruhu kaga warbixinayaa xaqiiqooyin diineed: moogganaanta aadamaha, halista ibliiska, doorka culimada, tawbadda, aakhiro iyo qiyaamaha iyo guud ahaan addoonimada - cutubkan oo ah cutub wacyi ah ayuu waxyaabahaas aan kor ku soo xusnay ku kala tibaaxayaa.
Waxa uu ka awaalo warramayaa jiraalkeenna umad ahaan, abuurteenna amardiiddadii badheedhka ahayd ee uu ibliis eebbe kala hor imid, dhagartii uu nebi aadan iyo xaawa oo lamaankiisa ahayd u maleegay - collaadda, marin habaabinta iyo asaroorintiisa badheedhka ah.
Eebbe weynidiisa iyo haykal-ka uu aduunyada u dhidbay ayuu ka warramayaa, awaalaha iyo ashqaraarka magacyada ilaahay ee mid walbaaba summad u yahay ilaahnimadiisa sharfoon innagana kasheenna iyo laabaheenna ku xasilinaya yaqiinsanaanta adoonnimadeenna iyo in ay sharci tahay cabsida eebbe balse ay habboontahay in aynu xidhiidh xishood, jacayl, mid adoonnimo iyo mid ilaahnimo la yeelanno ayuu ku gaalaabixinayaa cutubkan.
Karaamada iyo derejada aynu gaarka u leennahay ee alle inoogu deeqay in aynaan saluugin ama indhaha ka lalin ayuu waano wax ku ool ah inoogu dhitaynayaa.
Cutubka Lixaad.
Cutubkan oo ah ka ugu dambeeya ee uu dhiganahan hawaale warran uu ku soo idlaynayo ayuu kaga hadlayaa sooyaalka dawladnimada soomalida; guumeysigii, gobonnimadii, dawladnimadii rayidka, inqilaabkii askarta iyo waayaha nolol- siyaasadeed ee hadda lagu sugan yahay.
GUNAANAD
Hawaale warran waa xusuus-qor, waayo-aragnimo iyo hoga-tusaalayn uu abwaanku inoo dhiteeyay. Qofkasta oo soomali ah waa dhigane anfici doonaa wacyigaa iyo sooyaalkaa hadraawi ee uu ka bogtayna ka majiiran doono. qofkasta oo aan fahmin maansooyinka hadraawi il-fur ayuu u yahay.
Inkasta oo buug aadame qoraa qalad aanu ka magan galayn, hadana dhiganahan aad baa looga dhawray oo laaxin laga jari maayo, hab qoraal miid iyo afkaar waayo-aragnimo dhahartay ka muuqato ayuu inna hor keenay maxamed ibraahim warsame..
WQ, Abdiqani Mohamed abokor
Comments
Post a Comment