BARO, BUUGGA HELEN KELLER
Magaca Buugga: Helen Keller
Qoraha Buugga: Cabdirasaaq Sandheere
Bogagga: 262 bog
WQ, ZaaHir Cawaale Cabdi
Hordhac
" Taariikhda dad baa ku dhigan,
Dhintaa jira nagu dhexnool,
Waxaad dhulka uga tagtaa,
Xasuus iyo waa dhigaal ,
Dhashaadana waa u keyd,
Adoo dhaxalreebi kara ,
Ha noqon dhinte aan la tebin!".
{Waa ereyo hordhac u ah Buugga.}
Xog ku saabsan Qoraaga
Buuggan Waxaa Qoray qoraa { Cabdirasaaq C/rashiid Maxamed} Oo ku Magac dheer { Cabdirasaaq Sandheere}.
waa qoraa ku nool magaalda boorame oo inta badan wax ku qora baraha Bulshadda Sida ✓Facebook . ✓ Blog, waxaanu leeyahay Barnaamij taxane ah oo sookoobidda iyo Gorfaynta Buugtaa kasoo ka baxa kanaalkiisa YouTube oo ku Magac suntan {Xogkorodhsi} .
Waa qoraa Qoray inta ogaalkaygaa ilaa Saddex buug oo buugani ku jiro Laba kamidana aan akhriyey oo runtii ku sifeysan Hab,qoraal sare iyo Hibbo soo jeeddinneed .
Guda_gal
Buuggu waa buug sooyaal,oo qaab Sheeko Dhiirigelin iyo carin isku gu jira u qoran,
waa buug runtii soo tabinaya qisada gabadh kamida dadka adduunkan guudkooda sooyaal wanaagsan oo la mahadiyo kaga tagay, waana { Helen Keller Oo ah Gabadhii Aragga iyo Maqalkaba la'ayd ee Ph_d Qaadatay".
" Buuggu si guud wuxuu ka kooban 12 Cutub oo iyaga laftoodu qaybo sii kala leh.
Cutubka koobaad:- wuxuu qoraagu inagu barayaa shaqsiyada Helen Keller dhalashadeedii iyo Ababiddii Helen Keller.
{ Waa Tuma Helen Keller}
Helen Keller , waxa ay ahayd qoraa, macallimad , tababbare nololeed, & gabadh arrimaha dadka baahiyaha gaarkaa ah qaba u dhaqdhaqaaqda. Indhaha iyo dhegaha ayay naafo ka ahayd. Ugu horreyn iyada oo caafimaadqabta ,misana lixda laxaadba qabta ayay dhalanaysaa 19 bilood marka ay jirsato ayay xummadi ku dhacaysaa. Muddo ayay la ildarnaanaysaa.
Waxa ay Muddo la jiiftaba xummadii baa ka ba'aysa se waxa ay kaga tageysaa indhala'aan iyo dhegala'aan. Labadii laxaad ee lixda laxaad ugu mudnaa ayay waayaysaa ! Dam
Helen, aqoonta yaraan ayay ku bilaabaysaa iyada oo indhaha iyo dhegahaba la.' Dugsi hoose ayay la bilowday illaa ay dhammaysay ka gadaaal jaamacad ayay galaysaa ; oo waxay noqonaysaa qofkii ugu horreeyay ee NAAFO ah ee shahaadada farshaxanka qaata. Halganka way wadaysaa ilaa Ph-d ay gaadho . In ka badan 37 dal oo shanta qaaradood ee adduunka ku yaalla ayay maraysaa oo
dhiirrigelin, iyo dalxiisba u tagaysaa.
Hibooyinka ay lahayd waxaa kamid ahaa qoraalka oo waxay qortay wax ka badan 18 buug oo dunida daafaheeda ka caan ah, waxaana ugu caansan buugga yidhaa ` {`Story of my Life'} oo in ka badan 50 luuqadood loo tarjumay . Buuggana mucdiisa ayaa laga soo xigtay buuggaa.
Hadda ogow oo Helen, marka aan ku leeyahay ' Wax bay baranaysaa .... Qoraysaa... waa DAM oo indhaha iyo dhegahuba way bannadan yihiin. Sidee...
wax u baranaysaa? ! Sideese wax u qoraysaa ? Sidee ayay indhala,aanta ula tacaashay ? Sidee ayay wax u arkaysay?
Waa su' aalo iswaydiin mudan oo buuggu inoo qaadaa_ dhigayo inta kalena Adaan kuu daynayaa Inshallah.
Maxaynnu Ka Baran Karnaa Helen Keller.
Helen Keller qisadeeda runtii waxa inoogu sugan casharo iyo duruus ku camal fal iyo wax ku qaadasho leh waxaynu Soo qaadan doonaa Laba kamida cashirrada lama ilaawaanka ah ee aynnu Sooyaalkaa mahadhada leh ka korodhsan karno inta kalena adaan kuu dhaafayaa.
1_ Adkaysi
Adkeysigu waa dawada shay kasta. Qofku haddii uu adkeysto oo gaws' adeygo Wax badan oo ka qabyoobi lahaa ayaa u qummannaanaya . Sidoo kale adkaysi la,aantii guusha lama xaqiijin karo lamana hanan karo. Helen, waxay tidhi : " weligeen baranmayno in aynnu noqono geesi ama adkayste ; haddii keliya aynnu adduunyada xiisayna uun.
Boholaha uu qofku ka dhacayo ee yoolkiisa ka joojiya Waxaa kamida ' adkaysila,aanta' hadduu qofku tobannaan dadaal sameeyo misana uu adkaysan waayo wuu jabayaa oo jarbuu ka dhacayaa.
Qofkii adkeysta in uu ku taamo oo taabbagal noqdo waalla hubaa oo waalla tijaabiyay .
2: Yool Ama Hadaf
Yoolku si guud waa waxa uu rabo qofku in uu gaadho saacaddaa uu joogo, iyo wixii ka danbeeya. Qofkastaa yool ayuu leeyahay ,yoolkaasi ha xumaado ama ha samaado e. Yoolkaa uu maanta qorsheeyay berrina uu rabo in uu gaadho ayaa ka duwaya dadka kale. Qofku haddii uuna wax yoola lahayn dameeeri dhaanraacday ayuu noqdaa. Xikmad Ingiriisi ahayd ayaa tidhaa " Haddii aanad garanayn halkan aad tagayso waddo kastaa waad mari taad Martana waa kuu wado.
Helen , yoolal badan oo sannado taxnaa ayay lahyd oo maskaxdeeda ka guuxayay . Yoolalkaasi ay astaysatay badankoodii ama dhamaantoodba way ku guulaysatay oo faraha ayay ku dhigtay . Marka koowaad caqabadaha haysta ee kusoo darriyay in ay intii karaankeedaa ah iyo waliba in dhaafsan ay ka takhallusto ayay rabtay . Wayna ka takhallustay oo way ka guuleysatay.
Markii Labaad in ay wax barato oo iyada oo aan waxba arkayn ,waxna maqlayn ay wax usoo kordhaan ayay u hollatay ; tiina way gaadhay oo shahaadadii adduunka ugu sarraysay ayay ku Qaadatay, waxayna noqotay gabadhii laba laxaad la'ayd ee shahaado jaamacadeed Qaadata.
Adiga oo laxaadkii haysta maxaa kuu diiday inaad hadaf yeelato oo aad wax qorshaysato , fulintu haba danbaysee?!.
Waa buug Aad u Muhiima oo Dhiirigelin iyo Maan Carrin maskaxeed iskugu jira ood runtii wax badan ka korodhsan doonto .
Waa buug aad ku dhameyn karto Laba fadhi, buuggu keliya sooma tebinayo qisada Helen Keller waxaad ugu tageysaa waxyaabo kale oo badan.
intaan buuggan akhrinaayey kumaan arag wax qalad ah oo sii ridan oon soo bandhigo
Waxaan idinkula talinayaa inaad ku darsataaan liiska Buug Akhriseedkiina.
Comments
Post a Comment