Gorfeynta Buugga Hawaale warran
Magaca Buugga: Hawaale warran
Magaca Qoraha: Mohamed ibraahim warsame hadraawi
Tirada bogoga: 234 bog
WQ, ZAAHIR CAWAALE
GUUD,MAR
Waxaan iskiin barayaa waxna idiinka iftiimin doonaa buugan lagu magac dhabay Hawaale warran, abwaankeena Mohamed ibraahim warsame hadraawi waxa uu inala wadaagayaa xasuusqor waaayo aragnimo iyo hogatusaale uu abwaanku inooga dhiteeyay wixii uu ka xasuusan karayay waayihii nololeed ee soomaalidu soo martay tan iyo waayadii ay ahayd xoolo dhaqato reerguuraa ah.
Buuggan waxaa qoray Mohamed ibraahim warsame hadraawi, waxaa tafatiray Mohamed saleebaan cumar. Buugu waxa uu ka kooban yahay lix Cutub
Ugu horreyn intaynu u gelin Cutubyada buugga waxaan rabaa inaan Idiin soo gudbiyo fikradda guud ee buugu gudbinayo.
Fikradda guud ee buugu gudbinayo waa xasuusqor , waayo' aragnimo iyo hogatusaale uu abwaanku inooga dhiteeyay wixii uu ka xasuusan karayay waayihii nololeed oo wax ku qaadasho leh.
Guda_gal
Hawaale warran waxa uu ku bilaabmayaa Arar kooban oo daaran aragti nololeed oo kugu xidhaysa sababaha abwaanku Buugan u Qoray iyo gogoldhig uu abwaanku kaga warramayo noloshiisii hanaqaadkiisii bilawgii halabuurkiisa ee horrantii 1970 naadkii qarnigii tagay iyo noloshiisii xabsiga ee qansax dheere
CUTUBYADA BUUGGA.
______________________
CUTUBKA 1AAD
Cutubkan wuxuu qoraagu kaga warramayaa noloshiisii usoo gaadhay iyo waayadii ay soomaalidu ahyd xoolodhaqato reerguuraa ah . Waxa uu qoraagu boga ugu horeeya ilaa boga u danbeeya kaga sheekaynayaa inay noloshaasi lahayd jaangooyo qorshaysan iyo qaabdhismeed waafaqsan ujeedooyinka iyo danaha laga leeyahay iyo hal halys odhanaya " barbarkay ka baxdaa waa bakaylo qaleen.
Tacab dardar iyo xiise joogto ah oo ka soo jeeda anshaxa, agabaynta, aqoonta, aftahammada iyo aloosnaanta ayaa cimrigeeda dheereeyay mudo dheer ayaa geeddigaasi tub aloosan ku jiray oo nolosha xeer ilaalinayay.
Waxa uu abwaanku inoo sheegayaa in uu soo gaadhay waayadaa " bulsho dhiibsan, aloosan, oo heellan oo halabuurku hal qabsi iyo cunto u yahay.
Waxa uu mar kale abwaanku inoo sheegayaa inuu soo gaadhay ummad xishmad hu' u yahay oo aan baryada aqoon balse adeegsata " saxaro ul dheerbaa la isaga tiraa iyo " nin soori kaa qaaday waa nin seefi kaa qaaday" waxa uu abwaanku inoo tibaaxayaa hadii aad dooneyso inaad wax ka ogaato xaaladda ay ku sugnayd bulsho xoolodhaqato iyo reerguuraa ah oo aan wax qorin marinka iyo majaraha noloshooda waxa laga raadiyaa suugaanteeda iyo wixii ay waayaheeda ka tidhi .
Dhex'badhtanka iyo gebogebada Cutubkan waxa uu abwaanku ku jeex'jeexayaa ama inoogu fasirayaa Hawraaro,halhaysyo, iyo maahmaahyo caddaynaya sida labda aragtiyood in bulshadaasi islaam ahyd.
CUTUBKA 2AAD
Cutubkan waxa uu abwaanku si xeeldheer uga warramayaa uguna talax tagayaa xoolaha ay soomaalidii hore dhaqan jirtay iyo sida ay noloshaas u faaqideen ulana fal galeen.
Soomaalidu waxay kamid noqotay tarantii nebi Aadan iyo ummadihii dhulka cammiraadiisa saamiga u yeeshay kadib Markii laga soo gudbay kacaakufkii nololeed ee heerkii dabatada waxa ay nolosha ka bilowday sida bini aadam ka kale xoolodhaqato reerguuraa ah sidaas ayay ku caan tahay ilaa maanta.
Waxa uu abwaanku Cutubkan inoogu tibaaxayaa in marka laga hadlayo nolosha asalka ah iyo aqoonta ku saabsan abuurta "the Nature" waxa la yidhaahdaa biniaadamka cida ugu nasiibka badan ee aqoonta macnawigaa ah ugu xeesha dheeri waa bulshada xoolodhaqatada ah ee weliba reerguuraaga ah ,ku darsoo ta ugu xeeldheeri waa ta xoolaha ay dhaqataa ka kooban yihiin dhawr meesin , isir ama sinji , oo kala taggan.
Lixda meesi oo kala ah geel, adhi, iyo gammaan, ayaa uu inoo tibaaxayaa inay ukala qaybsanyihiin saddex lamaane oo isku dheelitiran.Waxaana ku kala duwan yihiin caadooyinka uu mid waliba leeyahay, lixadaas lababa waa isku bah waxay ku kala duwan yihiin sida tan hoose ,
Awrka iyo Orgiga : xilli ku qooq
Wanka iyo dameerka: xilli walba qooq
Dibiga iyo faraska : calool ku qooq
Waxa uu sidoo kale kaga hadlayaa cutubkan qaybsiga dhaqaalaha waxa uu inoo sheegayaa inay lo'du ahyd dhaqaale ka dhaxayn jiray ragga iyo dumarka oo labadooda midba dhinac kasoo galo loona baahday dhaqaale ragga iyo dumarka kala sooca xad u kala yeela sababo lagama maarmaan ah dartood.
Dhaqaalaha labada kala kaalin karaa ama kala duwi karaa wuxuu noqday adhi ,iyo geel isagoo mid mid isku dul taagaya waxtarkooda iyo hababkay u xanaanayn jireen una raaci jireen rag iyo dumarba.
CUTUBKA 3AAD
Waxa uu abwaanku Cutubkan kaga warramayaa hab dhaqameedka guurka ee soomaalidii hore iyo meertada geeddigii noloshaa.
Waxa uu ugu horreyntaba ku ibofurayaa abwaanku Cutubkan Hawraar iyo ereyo bud'dhig u ah Cutubkan oo u dhigan sida tan.
" si nololwadaaggu u fududaado, waa in wax isu-ahaani jirto, dadkuna yeesho xeer iyo xadhig wax ka dhexaysiiya".
Noloshu tacab iyo hawl ayay ku dhisnayd ma jirin qof bilaash wax ku helaa waayo: hadii ay taasi dhacdo cidiba isma lurteen oo dhib uma maryo faydateen,.Qofka inta uu geed iska seexdo ayuu wax aanu ku hawshoon cuni lahaa nolosha waxa ugu mudan ee ugu miisaanka weyni waxa uu ahaa guurka.
Si hufan ayuu u jeex jeex'jeexayaa hawraartaa iyo qodobkanba, waxa uu ka sheekaynayaa noloshiisii tacabka iyo hawsha ku dhisnayd ee uu soo joogay ee aanu jirin qof bilaash wax ku helaa.
Waxa uu sidoo kale kaga sheekaynayaa cutubkan kaalinta ay ku lahaayeen dumarka dumaasha ah ,waxa uu sidoo kale isdultaagayaa oo jeex'jeexayaa laba qodob oo kala ah , Sababaha Guurka badan, iyo Dir iyo Daabaan waxa loo yaqaano ayuu aad u sharxayaa.
Waxa uu sidoo kale kaga warramayaa kaalintii wiilasha ee waayadii uu soo joogay inay ahyd geesinimo, aftahannimo, deeqsinimo, lagu xisho iyo arrimo kale oo badan waana cutubkan mucda Buuga ah.
CUTUBKA 4AAD
Cutubkan waxa uu qoruhu isku dul taagayaa soo rogaalcelinta gumeysiga cusub iyo xaaladaha bulsheed ee soomaalida Maanta haweenka, ubadka , qurbaha, ragga, qaadka, tahriibta, ama sibiqdhaqaaqa, I,Q,K.
CUTUBKA 5AAD
Cutubkan waxa uu qoruhu kaga warbixinayaa xaqiiqooyin diineed: moogganaanta aadamaha, halisaha ibliiska, doorka culimada ,tawbada, aakhrio,iyo qiyaamaha , iyo guud ahaan adoonimada ayuu kaga warramayaa I,Q,K
haybada iyo karaamada aynu leenahay ee alle inoogu deeqay inaynaan saluugin ama indhaha lalin ayuu waano wax ku ool ah inoogu dhitaynayaa.
CUTUBKA 6AAD
Cutubkan waxa uu kaga hadlayaa sooyaalka dawladnimada soomaalida, gumeysigii, gobannimadii, da.wladnimadii rayidka, inqilaabkii askarta iyo waayaha nolol siyaasadeed ee hadda lagu sugan yahay ayuu ka awaalo warramayaa I,Q,K
GUNAANAD
Hawaale warran waa xusuus-qor, waayo-aragnimo iyo hoga-tusaalayn uu abwaanku inoo dhiteeyay. Qofkasta oo soomali ah waa dhigane anfici doonaa wacyigaa iyo sooyaalkaa hadraawi ee uu ka bogtayna ka majiiran doono. qofkasta oo aan fahmin maansooyinka hadraawi il-fur ayuu u yahay.
Inkastoo buug kaste oo aadame Qoray qalad laga waayeyn hadana intii Aan buugan akhrinaayey kumaan arag wax qalad ah oo la sheego oo sidaa usii ridan.
WQ, ZAAHIR CAWAALE
Comments
Post a Comment