WADDOOYINKA GUUSHA
Qofkasta oo dunida guudkeeda saaran wuxuu ku haminayaa inuu Maalin uun guul ka gaadho wuxuu ku haminaayo, balse qofna wuu ku dhaqaaqaa oo wadooyin uu guushaa u maro ayuu jeexdaa oo raaca Qofna kama dhabeeyo oo Laba beri markuu wadaba waa ka caajisaa sababo la xidhiidha wado uu umaro ma jeexan mana garanayo, hadaba Nuqul keenan yar Maanta waxaynu kusoo qaadan doonaa oynu Ciwaan uga dhignay Waddooyinka Guusha kuwooda ugu muhiimsan.
1 : Yeelo ujeed cad oo Kuu muuqda :-
Maalinta aad ogaato waxa aad dooneyso waxa aad dooneyso inaad Xaqiijiso Maalintaas ayaad wadada guusha cagta saartay , markaa waxaa muhiima inaad meel fadhiisato ood is weydiiso waxa aad rabto inaad Xaqiijiso Qodobkaan waa bar bilowga guushaada iyo guul dara'daada markaa si fiican uga fikir oo hakuu cadaado.
2 : Yeelo Qorshe cad oo Kuu muuqda:-
Markaad ogaato ujeedkaaga iyo waxaad rabto inaad Xaqiijiso waxaa yana kaloo muhiima inaad yeelato Qorshe cad oo kugu haga ujeedkaagaas aad rabto inaad Xaqiijiso si aad uga guul gaarto una rumeyso, Qodobkaan waa baalasha guushaada iyo guul dara'daada markaa waxaa muhiima inuu isna kuu cadaado.
3 : Dhag haw dhigin Hadalada Dadka Qaar:-
Markaan sidaan leenay Maaha ha dhageysan Tallooyinka Dadka iyo soo Jeedinaha dadku kusoo jeedinayaan ee waa in aad dhagaha ka furaysato Dadka kaa Leexinaayo Wadada guushaada , keliya waxaa muhiima in uu hadafkaagu kuu cadyahay yahayna wax Alle raali ka yahay intaas wixii kasoo hadho ha dhageysan dhagna haw dhigin.
4 : Yeelo Caado joogteyneed:-
Wax walba oo uu Qofku doonayo halka uu taagan yahay iyo waxa uu doonayo biriishka u dhexeeyaa waa joogteynta, markaa waxa aad u Muhiima inaad isku hubayso Caado joogteyneed ood dhaqan ka dhigato waxay kaa kaalmayn inaad Xaqiijiso dhammaanba waxaad ku hamineyso iyo yoolkaaga Mustaqbaleed .
5 :Tallo Saarashada rabbi Badso:-
Markasta ood ilaahay talo saarato ood Amuurahaaga ilaahay u dhiibato ilaahay ayaa kuu fudeydinaya kuuna sahlaya dhammaan Umuura'haaga weliba meel aanad ka filayn markaa waxaa muhiima inaad ilaahay u talo saarato talaabo kasta ood Qaadeysoba.
GUNAANADKII :-
Xaqiijinta ahdaaftaada iyo yoolashaadu waxay kaaga baahan'yihiin Dedaal badan oo joogtaa, Adkaysi badan oo joogtaa, Joogteyn badan oo Maalinlaa, Markaad inta la timaado idam alle guul waad gaadhi.
Comments
Post a Comment