Posts

Showing posts from August, 2021

BARRO BUUGGA HAWAALE WARAN

Image
  Baro Buugan.. Magaca dhiganaha: Hawaale warran. Magaca qoraha: Maxamed ibraahim warsame. Tirada bogoga:234 bog. GUUD-MAR Waxan iskii barayaa, waxna idinka iftiimin doona buugan la magac baxay, Hawaale-warran abwaankeenna weyn waxa uu inna la wadaagaya muggii ka soo maaxday maskaxdiisa eebbe ku mannaystay ee hibada hal-buurnimo iyo hillaadinta fogaan aragga ah lahayd. Dhiganahani waa mid si farsahxanimo leh loo qaabeeyey oo wakhti badan la galiyay. Cover-ka nashqadaysan ee sawirka abwaanku ku dheggan yahay ayaa kuu muuqanaya judhiiba, far waaweyn oo nidaamsan ayaa ka hoosaysa sawirka lagu dhex milay midabka madowga ah ee loo xulay in summad looga dhigo hawaale warran. Ararta buugga oo ay ladh hoosaad u tahay "NOLOSHA IYO QALINKA" ayuu hab gammaaris ah qoraagu buugga inoogu uur-dooxayaa.  Waxa uu ku bilaabayaa " Baahida qofka iyo baadidoonkiisu way is celiyaan. Waxa ku abuuran in marba marka ka danbaysa noloshiisa isbeddal ku yimaaddo. Waxa uu maalinba maalinta ka danb...

BARO, BUUGGA HELEN KELLER

Image
Magaca Buugga: Helen Keller Qoraha Buugga:  Cabdirasaaq Sandheere Bogagga: 262 bog WQ, ZaaHir Cawaale Cabdi Hordhac " Taariikhda dad baa ku dhigan,  Dhintaa jira nagu dhexnool, Waxaad dhulka uga tagtaa, Xasuus iyo waa dhigaal , Dhashaadana waa u keyd, Adoo dhaxalreebi kara , Ha noqon dhinte aan la tebin!". { Waa ereyo hordhac u ah Buugga.} Xog ku saabsan Qoraaga Buuggan Waxaa Qoray qoraa { Cabdirasaaq C/rashiid Maxamed} Oo ku Magac dheer { Cabdirasaaq Sandheere}. waa qoraa  ku  nool magaalda boorame oo inta badan wax ku qora baraha Bulshadda Sida ✓Facebook . ✓ Blog, waxaanu leeyahay Barnaamij  taxane ah oo sookoobidda iyo Gorfaynta Buugtaa kasoo ka baxa kanaalkiisa YouTube oo ku Magac suntan {Xogkorodhsi} .  Waa qoraa Qoray inta ogaalkaygaa ilaa Saddex buug oo buugani ku jiro Laba kamidana aan  akhriyey oo runtii ku sifeysan Hab,qoraal sare iyo Hibbo soo jeeddinneed . Guda_gal Buuggu waa buug sooyaal,oo qaab Sheeko Dhiirigelin iyo carin isku gu  j...