Posts

BUUGA HAL BEEG

Image
GORFAYNTA BUUGGA HAL BEEG Magaca Buugga: Hal,Beeg Tirada bogagga:230. Tarminta: kowaad Magaca qoraha: Abdiqani Xuseen Beder Hor -dhac Taarikhda dheer ee adanahu waxa ay la soo bilaabantay loolan ka dhex abuurmey Nebi Aadan iyo ibliis. Legdankaasi wajiyo badan oo af iyo adinba leh ayuu ka soo gudbey, herer kala gadisanna wuu soo maray. Buugani waxa uu qayaxayaa halbeeg ay tahay in lugu cabbiro hirdanka fikradaha, isla markaana waxa uu daaha ka faydayaa duulaan maskaxeedka Muslimiinta ku wajahan,Taarikh ahaan,cidda hagaysa,agabka la adeegsanaayo,isla markaana waxa uu soo bandhigaya  qaabka loo caabin karo. Bugaani waxa uu ka dhashay cilmi baadhis jawaab u raadineysa sababta hirdanka fikriga ahi ugu dhex aloosan yahay bulshada Soomaliyed wakhtigan, isla markaana raadeynta ugu yeeshey in badan oo ka mid ah. Su'aashaas oo ahayd " Waa maxay mushkiladan ka dhex allosan muslimiinta ." Buugani waxa uu soo bandhigaya natijada jawaabtaas oo faahfaahsan, taas oo muujin...

FAAIDOOYINKA AKHRISKA

Image
1) Akhrisku wuxuu maskaxda ka daweeyaa dhibaatooyinka in aad maskaxdaada geliso buug badan oo aad akhrido waxay dareenkaga siinaysaa in maskaxdu ka fogaato dhibaatooyinka kale ee ku xeeran markaana diirada saarto waxyaabaha kale ee himilo iyo hiigsi ah ee ku qoran buugta; akhrisku wuxuu ku tusyaa dhaqano badan oo kala duwan kuwaas oo aanad hore uga warhaynin amase aanad ogaynba inay jiraanba. 2: wuxuu maskaxdaada u furayaa qaab cusub oo aad u fikirto, wax u aragto ama aad qabato, wax aad u malayn jirtay in aan la samayn ama la gaari karin.murti ayaa waxay leedahay “qofka aan wax akhrin waxba ma faa’iido dhaamo qofka aan wax akhrin karin” waxaa yidhi. __ mark twain. 3: wax Akhrisku wuxuu koriyaa oo kobciyaa garaadka qofka  4: Wax Akhrisku wuxuu dhiirigeliyaa hal-abbuurnimada ummada. 5:  Talaabada ugu weyn ee aqoon lagu korodhsado waa Akhriska, waxyaabaha  ugu awoodda badan ee aanay dadku badanaa ogayn ee loo addeegsado Horumarinta naftu waa akhriska. 6: maskax ahaan iyo r...

Buugga Kaaf iyo kala dheeri

Image
  MAGACA BUUGGA :  kaaf iyo kala dheeri MAGACA QORAGA: Kaltuun,maxe'd x,muuse Bogagga Buugga: 142 bog Buugan waxay qortay Kaltuun maxe'd x,muuse Kaltuun,deeqa, buugu wuxuu ku qoran yahay Laba af somali iyo english buuggan kaaf iyo kala dheeri waxay bilowday xiligii ay ku guda jirtay buugga jaamacadda iyadoo ku qortay luuqada ingiriisida 2013kii,2018 kiina waxay ku guulaysatay inay u bedesho afkeena hooyo markay aragtay baahida loo qabo inay bulshadu fahmaan saamaynta qabyaaladu ku leedahay bulshada, dhiganahan waxa ka horeeyay oo ay qortay buug ka hadlaya arimaha qoyska oo magaciisu yahay, KALA _MAAN ,sidoo kale waa Hal,abuurad in badan ka tirisa maansooyin arimaha bulshada aafeeyay. Buugu wuxuu si faah,faahsan uga hadlayaa dhibaatada qabyaaladu ku hayso bulshadeena waxaanu isbarbar dhig ku sameynayaa  dhibaatada qabyaalada iyo Wanaaga walaaltinimada; Mawduucyada buuggani  xanbaarsanyahay waxaa kamida; waxa uu ugu horeynba qeexitaan ku sameynayaa macnaha ereyga qaby...

ODHAAYO LAGA YIDHI AKHRISKA

Image
WAX AKHRISKU WAA.. 1: Akhrisku waa Wehelka horumarka hadaf yeelashada himilo fogaanta hal_abuurka hanuuninta hobaan gurashada iyo hawaalo waranka 2: Akhrisku waa udub dhaxaadka Aqoonta waa waxa qofka kala baraya shayga dhibtiisu ku jirto iyo midka dantiisu ka dhalaalayso. 3: Akhrisku waa quudinta Kobcinta kor uqaadida qiimaynta maskaxda. 4: Akhrisku waa wadada guusha kaas oo ku tusaya wadooyin hore oo lagu guulaystay. 5: Akhrisku waa mid kamida hilinnada Aqoonta loogu arooro. 6: Akhrisku waa dhex mushaaxa Caqliyada dadka waana nolol kale oo dheeraada. 7: Akhrisku waa Cunada ama raashinka lasiiyo Caqliga bini,Aadamka. 8: Akhrisku waa Asalka horumarka qofka iyo ka Ummadeed. 9:   Akhriska waa habka Loo dhuuxo ereyo ama dhigane meel ku dhigan loona dhugto Nuxurka ku dheehan. 10: Akhrisku waa balwadda ugu faa,iidada badan adduunka ee ruux la qabsado ama ba yeesho. WQ, ZaaHir Cawaale

Qodobadan Iyo Shuruudan tixgeli Akhriskaagu Wuu guuleysan Inshallah

Image
1:  Qodobka Kowaad Niyadaada ka dhaadhici inaad diyaar u tahay aqrinta maado kugu cusub ama duugooday ama aad xasuusato. 2: Qodobka Labaad Allaah (SWT) dartiis u akhri Ikhlaas kana dhig aragtidaada inaad cilmi iyo macluumaad ka kororsaneyso, intaadan bilaabinna, isku day inaad akhrisato dhowr aayadood, axaadiith iyo ducooyin 3: Qodobka Saddexaad Wax-aqriska ka bilow buugaagta safaxaadkoodu aanay badneyn, cilmiga ku qorana aanay adkeyn, sida: Buugaaga sheekooyinka, maaweelada caruurta iyo kuwa jaceylada. 4:  Qodobka Afraad  Dabadeed maskaxdaadu waxey yeelaneysaa tartiib-tartiib, awooodda iney wax aqrin karto, dabadeedna ilaalin karto xogtaas. 5:  Qodobka Shanaad markaad wax aqriyeyso ku dadaal in nafsadaadu ay dhisantahay, faraxsantahay, fir-fircoontahay, meesha/makaanka aad ku akhriyi ka dhig mid nabdoon, degan, xasilooni iyo aamusnaaan badani ka jirto. 6: Qodobka Lixaad  Soo qaado Notebook, meel walba oo muhiima calaamadeyso, safxad/bog walba ood aqrisay, isku ...

Buugga Kaalinta, indheer'garadka

Image
 Date: 20 Feb 2021 Magaca buugga: Kaalinta indheer gardka Magaca Qoraaga: Idwaard W.Siciid Magaca turjumaha: Cabdicasiis Guud_cadde Bogagga Buugga: 109  Qaybaha Buugga: 6  Qoraaga buuggan qoray Waa Qoraa reer falasdiin ah balse Noloshiisu in badan ku Dhex Qeexantay Dalka Maraykanka, Wuxuu Siciid in badan Waqti iyo dedaal geliyay sidii Uu dunida la gumaystay oo aynu innaga iyo isaguba ka midka nahayu tusi lahaa halka laga haysto Waxsoosaarkeeda iyo Hanaqaadkeeda indheergaradnimo. Buuggani Wuxuu ka dhashay Khudbado taxane ah oo Uu Sagaashameeyadii uu siiyay barnaamishka BBC, Ee khudbadaha Reith,Waana Sababta Aad gudaha buugga ugu arki doonto qoraaga oo Cutubyada ku Sheegaya "Khudbado, "  Maaddaama Cutubkastaa yahay Khudbad iskeed ah.Dhammaantood Waxay xoogga Saarayaan Masuuliyadda indheerga_radka Shakhsiga ahi ay tahay inuu qaado iyo Kaalinta ay tahay inuu buuxiyo . Wuxuu indheerga_radka u arkaa ugu horraynba fallaag aanay qancin Waayaha la qaayibay ee Iska Socdaa ,ba...