Posts

Showing posts from March, 2022

BARO BUUGGA GARAADSO IN'TAADAN GUURSAN

Image
  Baro Buugan.. Garaadso intaadan  guursan Magaca Buuga, Garaadso intaadan Guursan Magaca qoraha: Mubaarak Maxamuud Saleebaan { Mubaarak Hadi}  Tirada bogoga: 200 bog. GUUD-MAR Waxan iskii barayaa, waxna idinka iftiimin doona buugan la magac baxay, Garaadso intaadan Guursan ee uu qoray Ustaad Mubaarak Maxamuud Saleebaan {Mubarak Hadi} ,waxa uu inna la wadaagaya muggii ka soo maaxday dhawr iyo sano oo aqoon iyo waayo_aragnimo uu ku soo uruuriyay Buugan. Garaadso intaadan Guursan wuxuu ka kooban yahay Laba qaybood iyo 13 Cutub oo kala ah . Qaybta Hore : qaybtan qoraagu wuxuu kaga sheekaynayaa nolosha Guurka ka hor iyo xilliga Doorashada lamaanaha . "Qaybta Labaad:- qaybtan qoraagu wuxuu kaga sheekaynayaa nolosha Guurka iyo Waayaha ku xeeran Cutubka koobaad:- Ujeedooyinka iyo faa'iidooyinka Guurka Wuxuu ku bilaabayaa isagoo gun dhig uga dhigaya Cutubkan aayad quraana oo inoo sheegaysa faa'iidooyinka Guurka  "Aayadihiisana waxaa ka mid ah in uu naftiinna idinka abuur...

Saddex Caadoo ay Muhiim tahay inaad yeelato

Image
Waxaa la'idhaahdaa Qofku Caadooyinka isagaa samaysta Caadooyinkuna qofkay sameeyaan. Waxaan jeclaystay inaan maanta idinla wadaago saddex caado oo dahabi'ah oo hadaad noloshaada ku dabaq'do isbeddal iyo horumar baaxad leh noloshaada u horseedi doona. 1: Caadada koobaad; yeelo caadaad kuu fududaynaya waxa aad dooneyso eed hiigsaneyso.Maadaama nolosha waxa aad samaynaysaa ay yihiin caadaad is daba taxan waxaa muhiim'ah inaad yeelato caadaad kuu fududaynaya waxa aad dooneyso Aroor kastoo waa beryaba waxaa ku ag mara duruus hadii aanad sii akhriyin beraad imtixaaman'tahay"  __Yam Yam  2: Caadada Labaad; yeelo caado wax Akhris Hadii aad dooneyso noloshaada wacyi iyo ogaal iyo aqoon inaad yeelato oo aanad lahayn caado wax Akhris waa inaad caado wax Akhris sameysato. "Hadii gugii kuu kordhaa gabow mooyee ku tarin garaad iyo waayo'arag ilayn wax ma dhaantid geed" __Gaariye 3: Caadada saddexaad; waa inaad yeelataa caado dibu eegis isla xisaabtan'eed i...